Guddiga Senate-ka ee Jaangooya Diblomaasiyada USA oo Dood ka Yeeshay Xeerka Iskaashiga JSL

0
282

Xeerkan iyo kuwo kale ayaa ah natiijadii ka soo baxday booqashadii Madaxweyne Md. Muuse & Wefdigiisu dalka Maraykanka ku tageen

Washington (Dawan)- Guddiga xidhiiidhka Dibadda ee Aqalka Senate-ka ayaa dood ka yeeshay Xeerka Iskaashiga Somaliland (Somaliland Partnership Act)

Sida lagu baahiyey mareegta rasmiga ah ee guddiga Xidhiidhka Dibadda ayaa lagu sheegay in fadhi guddigu u dhan tahay oo khamiista ah ajandayaasha laga doodayo qeyb ka tahay Xeerka Iskaashiga Somaliland.

Gudoomiyaha Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Aqalka Senate-ka Xildhibaan Bob Menendez oo fadhiga gudoominayey, isla markaana qodobo kala duwan qeyb ka ahaayeen dooda Xeerka iskaashiga Somaliland.

Xeerka Iskaashiga Somaliland ayey James E Risch, Chris Van Hollen, iyo Mike Rounds, oo ah xildhibaano ka tirsan Aqalka Senate-ka soo gudbiyeen 17 March, 2022, isla markaana hore laba jeer loo soo akhriyey ayaa shalay doodiisu ka bilaabmatay Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda.

Xeerka oo qodobo badan xambaarsan ayey ugu muhiimsan tahay, inuu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ka dalbanayo inuu Congress-ka u soo gudbiyo warbixin-sannadeed ku saabsan kaalmada la siiyo Somaliland iyo isagoo la kaashanaya Xoghayaha Difaaca inuu sameeyo daraasad la xidhiidha suurtogalnimada iskaashi dhinaca ammaanka ah oo lala yeesho Somaliland.

Inkastoo weli Guddigu soo saarin xogo la xidhiidha doodii khamiistii eek u saabsanayd Xeerka Iskaashiga Somaliland, waxa la rajeynayaa inuu isbedel balaadhan ku sameeyo qadiyadda ictiraafka Somaliland.

Xeerka Iskaashiga Somaliland, Qadiyadda Ictiraafka Somaliland iyo iskaashi dhow oo u bilaabma Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Maraykanka ayaa ah midhahii ka soo baxay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi & wefdi balaadhan oo u hogaaminayey horaantii sannadkan ku tageen dalka Maraykanka.

Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xidhiidhka Dibadda waa guddiga joogto ah, una xilsaaran inay hoggaamiyaan siyaasadda Arrimaha dibadda. Guddigu wuxuu kormeeraa heshiisyada Dawladda Maraykanku la yeelato Dalalka shisheeye, wuxuuna bixiyaa talo iyo oggolaansho xagga magacaabista iyo heshiisyada diblomaasiyadeed, iyagoo door muuqda ka qaata jaangoynta diblomaasiyadda Mareykanka.

 

 

 

 

 

Leave a Reply