Xuquuqda Bulshadu Isku Leedahay Iska Ilaali Weedha Khariban ee Kaanaysa Is Naca

0
446

Waxa laga wariyey Saxaabiga Abu Hureyra (R.C) inuu Rasuulka Allah (scw) yidhi :
“  Xaqa Muslimku ku leeyahay Muslimka kale waa shan,  Inuu salaanta u celiyo, inuu booqdo bukaankiisa, inuu raaco jinaasadiisa, inuu aqbalo martiqaadkiisa, inuu u duceeyo markuu hindhiso” Xadiis kalena waxa uu ku kordhiyay “ In uu la taliyo marka uu talo ka codsado”  Waxa weriyay “ Bukhaari iyo Muslim”.

Qofku kaligii ma socdo haddiise uu dadka soo dhexgalo, dadka wanaagsanna raaco, waa inuu helaa xuquuq u damaanad qaadaysa iskaashiga wanaagsan ee bulsho la noolaanshaha. Xadiiskuna waxa uu inagu dhiirigeliyay in arrin kasta oo bulshada kalgacal iyo wanaag u abuuraya,la iskana ilaliyo arrin kasta oo xumaan, nac iyo kala tag keenayana waa  in uu iska ilaaliyo.

Leave a Reply