Guddoomiyeyaasha Ururada Cusub ee Siyaasada oo kulan la qaatay Gudida Diiwaangalinta

0
472

Hargeysa(Dawan):-Qaar ka mida Guddoomiyeyaasha Ururada cusub ee Siyaasadda ee dalka lagaga dhawaaqay ayaa shalay  kulan la qaatay Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixunta Axsaabta  Qaranka.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal ayaa faahfaahin waxyaabihii ay wadahadleen  gudida diwaangalinta Ururada Siyaasada.Waxaana uu yidhi”Waxaaanu shir la yeelanay Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada,waxaana uu  ahaa  shirkaasi mid aanu warbixin ku kala qaadanaynay gudida.waxaana ay noo sheegeen in guddi ahaan in dhakhso u bilaabayaan Diwaangalinta Ururada Siyaasada si fiicana wuu noogu soo  dhamaaday kulan kaasi,”.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Daljir Prof.Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay waxa ay ka wadahadleen gudidan.Waxaana uu yidhi”Waxa la doonayaa in gudidan noqoto guddi madaxbanaan taas ayaana ugu muhiimsan,taas  dadka danaynayaan,”.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Rajo Cabdilaahi Axmed Maxamed Cabdilaahi Dahab  ayaa waxa uu sheegay in Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada ay u sharaxeeen sida ay doonayaan in gutaan shaqada loo igmaday.Waxaana uu yidhi”Kulankan aanu la qaadanay afartii xubnood ee la ansixiyay ee gudida diwaangalinta Ururada Siyaasada waa mid hordhaca, waxaana ay noo sharaxeen sida ay doonayaan in ay wax u wadaan oo shaqada la dhamaystiro marka la ansixiyo saddexda xubnood ee ka dhiman gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Siyaasadeedka Gurmad Rooda Cabdi  Muuse ayaa waxa ay sheegtay in kalsooni buuxda siiyeen gudida Diwaangalinta Ururada Siyaaasada.Waxaana ay tidhi”Kalsooni  buuxda ayay Urur ahaan na siiyeen waxaana  farxad  noo ah in afarta xubnood ahaayeen aqlabiyadii Ururka Diwaangalinta Ururada Siyaasada si habsamiya  ayaanay  shaqadii u bilaabeen,”.

 

Leave a Reply