Guddiga ay Magacaabeen Xisbiyadda Mucaaradku waxay leedahay Shaki Amni darro…”Afhayeenka KULMIYE

0
343

Hargaysa (DAwan): Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE ayaa ka jawaabay guddi ay magacaabeen labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo ay u qorsheeyeen in ay soo abaabulaan mudaharaadyo dalka ka dhaca.

Af-hayeenka xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Xasan Buunni, ayaa guddigaasi ay mucaaradku magacaabeen ku tilmaamay mid ay ka muuqato shaki amni darro, isla markaana masuuliyadeedda ay qaadayaan cida magacawday.

Buunni, oo xalay warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaaladda Hargaysa,  waxa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in aanay ilaa iyo hadda garawshiyo ka bixinin xisbiyadda mucaaradku qodobadii qaanuunka dalku u jidaynayay oo aanay ku dhaqmin mucaaradku.

Iyagoo u maraya mudaharaadkoodda dariiqa sharciga ah ama wasiirkii ku shaqadda lahaa iyo laamaha amniga qaranka ee kale.

Cabdinaasir Buunni, ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaradka ah in ay weli ku sii adkaysanayaan fawdadii iyo waraaqdii ay dhawaan u gudbiyeen wasiirka arrimaha gudaha oo ay ka muuqatay xil-kas-darro iyo masuuliyad-darro.

“Guddigaasi ay magacaabeen xisbiyadda mucaaradku oo ka kooban xubno dhawr iyo toban ah, waxaa nasiib darro ah in aanay ilaa iyo hadda garawshiyo ka bixinin, qodobadii qaanuunka dalku u jidaynayay aanay ku dhaqmin, iyagoo u maraya mudaharaadkaasi, wasiirkii ku shaqadda lahaana aanay u tegin iyo laamihii amniga qaranka.

Ayna ku sii adkaysteen fawdadii, iyo waraaqdii ay shalay (doraad) u gudbiyeen wasiirka arrimaha gudaha ee ay ka muuqatay xil-kas-daradda iyo masuuliyad-darradu” ayuu yidhi af-hayeenka xisbiga KULMIYE.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaan shacabka jamhuuriyadda Somaliland u sheegaynaa in gebi ahaanba guddigaasi ay magacaabeen xisbiyadda mucaaradku ay leedahay shaki amni darro, maadaama xubno ku xusan war-saxaafadeedkoodaasi aanay jirin.

Amniga dalkuna aanu gelin ciyaar-ciyaar, iyo dheel-dheel, iyo mid si sahal ah, duur-xul inta lagu sameeyo, la yidhaahdo guddi ayaanu magacownay, taasina waxay leedahay shaki amni darro. Haayadaha amniga qarankuna waxay qabaan amarkii uu maanta (shalay) siiyay wasiirka arrimaha gudaha, ee ahaa in aan wax mudaharaad ah laga qaban Karin dalka”.

Geesta kale afhayeenka Kulmiye ayaa ku eedeeyay hogaanka xisbiyadda mucaaradka in ay iyagu qaadan doonaan wixii dhibaato ah ee  ka yimaadda guddiga ay magacaabeen mucaaradku ee ay u xil saareen abaabulka mudaharaadyo sharci darro ah.

Cabdinaasir Buunni, waxa kaloo uu sheegay in guddigaasi ay noqon doono mid loo aqoonsado guddi kharbudaad iyo khal-khal gelin nabadgeliyo.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaanu u sheegaynayaa shacbiga jamhuuriyadda Somaliland fawdadaa, iyo amni-darradaa, iyo magacyadaa aan la xusin, iyo qoraaladaa shakiga amni leh, wixii ka ratibma, ee masuuliyad amni-darro ah, ee dhibaato ah, waxaa masuuliyadeedda qaadaya labadda guddoomiye xisbi mucaarad ee warqadaasi soo qoray.

Guddigaasina waxay noqon doontaa guddi loo aqoonsado, guddi kharbudaad, iyo khal-khal gelin nabadgeliyo. Iyadoo aanay warqadaasi magacyadoodu ku xusnayn, laakiin masuuliyadeedda loo raacayo, cidda magacawday, oo ah labadda magac ee qoraalkaasi ku xusan”.

 

 

Leave a Reply