Lixda Bilood ee Ugu Dambeeya ayuu Xisbiyadda ka Dhacayaa Liisanku” C/laahi Darawal

0
220

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan qabashada Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in lixda bilood ee ugu dambeeya liisanka ka dhacayo Xisbiyadda,waxaana uu in taasi ku daray in waxa laysku hayaa ay tahay sharciga.

Cabdilaahi Darawal oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa wanaagsan in dadka fahmaan waxa laysku hayo waxa laysku hayaa waa sharci juujuubna waxba lagu heli maayo,sagaal sanno ayaanu sugaynay ayaanu sugaynay in aanu gaaadhno lixda bilood ee ugu dambeeya ayuu liisanka ka dhacayaa Xisbiyadda waxaana la tartamayaan Ururada Cusub.waxaana aanu ku doodaynaa xeer lambar 14 oo xisbiyo ku noqdeen saddexdan xisbi haday yidhaahdaan lama fuliyo lagama yeelayo,waxa aanu ku doodaynaa sharciga ay xisbiyo ku noqdeen iyo go,aankii Maxkamadda,laakiin maalin walba muran soo taagan oo la leeyahay Doorashada Madaxtooyadda hala qabto Saddexda Xisbi lixda bilood ee ugu dambeeya doorasho gaara oo ay gali karaan majirto haloo daayo Hay’adaha sharciga ee shaqada ku leh murankan taagan”.

Sidoo kale Mujaahid darawal ayaa waxa uu sheegay in aan cidna laga baryayn Nabedgalyada dalka.Waxaana uu yidhi”Nabedgalyada dalka cidna laga baryimaayo Maalin walbana Ninka kursiga saaran ayay saaran tahay haduu duminayo iyo haduu hagaajinayo, Maalin walbana Mucaaradka waa hanjabayaan waxaana leeyihiin waanu Mudaharaadaynaa. dadkaa masaakiinta ee ka soo hadhay abaari iyo sixir bararka inta yar ee haystaan yaan laga boobin. dad Mudaharaad garanaya ma,nihin Nin waliba wuuka faa,iidaysan karaa oo.dan lihi Iooma fasaxi karo, intaa yar ee aynu ku faanayno ayaa inaga baabi karta masuuliyadda Mudahraadka waxa qaadayaa kuwaa dhigay mar dawlada u diiday ileen iyagaa ka masuula nabedgalyadii,”.

 

 

 

Leave a Reply