Nabadda Waanu u Soo Dagaalanay, Dad Aan Maalin Waxba ku Darsan Dalka Ayaa Nala Murmaya….”

0
400

Maanta xisbiyada Mucaaradku yey dalka ka badbaadinayaan? Ma Anniga, ma Madaxweyne Muuse Biixi…?

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa si faahfaahsan jawaabo uuga bixiyey su’aalo bulshadu ka weydiisay waajibaadkooda iyo xilka ay shacabka JSL u hayaan, isla markaana  shaaca ka qaaday inay masuul ka yihiin nabadgelyadda gudaha JSL,  wada shaqeyn dhowna la wadaagaan dhamaan Wasaaraddaha dalka, oo u yihiin cududii ka hortegaysay caqabada ka hortimaada gudashada waajibaadkooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xalay marti ku ahayd bandhiga waxqabadka iyo isla xisaabtanka Xukuumadda iyo Bulshada, isla markaana Wasiir Kaahin iyo Taliyeyaasha Ciidamada qaarkood oo faahfaahin ka bixinayey shaqada hay’adaha amaanku dalka ka qabtaan ayaa lagu soo bandhigay muuqaal kooban oo waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaaa lagu sheegay

Muuqaalka waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka ahdlayey oo xalay ay daawadeen bulshadii ka soo qeybgashay ayaa laga dheehan karayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed oo hormood u ahaa shirar badan oo hawlaha nabadeynta beelaha walaalaha ah ee dalka lagu heshiisiinayey, shirarkaa oo qaatay bilo badan, mudadaana madaxda Wasaaradda oo Wasiir kaahin hormood u ahaa goobjoog ahaayeen ilaa nabadgelyada heshiis laga gaadhayey.

Wasiir Maxamed ayaa sidoo kale muuqaalka ka sheegay in sare loo qaaday tababarada Ciidamada amaanka la siiyo si kor loogu qaado masuuliyadda ay qaranka u hayaan, taasoo ugu dambaysay tababaradii kala duwanaa ee Madaxweynahu JSL ugu soo xidhay tababarada Ciidamadda Qaranka Dugsiga tababarada Mandheera iyo kuwa kale.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidanka booliiska oo amaanka gudaha ee dalka masuul ka ah kaalin weyn ka qaadatay cidhibtirka mukhaadaraadka iyo khamriga, si weyna bulshadu dhibaatdoodii uga nasteen.

Xukuumada ayaa sare u qaaday tayeynta dhinac walba Ciidamada ilaalinta Xeebaha ayuu sheegay Admiral Maxamed Xiirane, isagoo raaciyey in ilaalinta dekedaha dalka masuuliyadda koowaad ee ciidanka tahay, iyo xakamaynta kaluumaysiga sharcidaradda ah.

Taliye Xiirane ayaa sheegay in ciidamada ilaalad axeebahu ilaalo joogto ah ka samayso badaha dalka, si looga ilaaliyo waxii dhibaato ka samaynaya, sidoo kale waxay masuul ka yihiin ilaalinta deegaanka badda, si looga ilaaliya in sun iyo walxo kale lagu daadiyo.

Ciidanka Socdaalka oo hoos yimaada Wasaaradda ayaa qaabilsan hawlaha socdaalka ee badda, dhulka iyo hawada, sid auu sheegay Taliyahooda S/Guuto Maxamed Cismaan Caalin.

Taliye Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Socdaalka iyo kantaroolka xuduudaha dalka masuuliyadiisa koowaad tahay ilaalintooda badda, dhulka iyo cirka, waxaanu kaalin ka qaataa dakhli soo saarka qaranka, waana ciidan muhiim u ah qaranka masuuliyad balaadhana u haya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin oo sharaxaad ka bixinayey masuuliyadda Wasaaradu u hayso qaranka ayaa inay u xilsaaran tahay arrimaha nabadgelyadda gudaha ee JSL, waxaana xilal ka soo qabtay todoba iyo toban Wasiir oo Wasiir Kaahin wakhtigan xilkeeda hayo.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay inay masuuliyadda Wasaaradda ay qeyb ka yihiin ilaalinta hawlaha doorashooyinka dalku dhacayaan, dhamaan goobaha doorashada ilaalintoodana ay masuul ka noqdaan ciidanka Booliiska, socdaalka iyo Xeebaha oo Wasaaradda hoosyimaada, hadii xoojin loo baahdana waxaa laga dalbadaa Ciidanka Qaranka JSL.

Waxay wada shaqeyn dhow la leeyahiin dhamaan wasaaradaha dalka ayuu sheegay Wasiir Maxamed, oo ugu horeyso Wasaaradda Deegaanka, kalana shaqeyso in dhulka JSL laga ilaaliyo deegaamayn cusub in laga sameeyo, hadii aan ogolaansho laga helin labadan wasaaradood, isagoo yidhi,

“Nabaadguurka dalka waxa keena laba arrimood, oo kala ah deegaamaynta iyo dhuxulaysiga, annagoo fulinayna xeerka Deegaanka 69/2015 oo Baarlamaanku ansixiyey. Waxaan ku guulaysannay oo ku dhownahay inaan dabargoyno dhamaan shiditaanka dhuxusha. Waxaan kaloo kala shaqeynaa badbaadinta duur-joogta dalka oo kootarabaan ahaan loo dhoofiyo, uguna badan tahay harim-cadka.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in caqabadaha ugu badan ee Wasaaradda Arrimaha Gudahu xalkeeda raadiso ay u badan tahay masiibooyinkii laga dhaxlay Rajiimkii xukuumadii hore oo dhamaan dadka Soomaaliyeed oo shacabka Somaliland ku jiraan in colaado la kala dhexdhigay oo qabiil walba qabiil kale hub loogu dhiibay, waxaanu yidhi,

“Mushkiladii rajiimkii Soomaaliya laga dhaxlay waxuu keentay in bulshadu haysato hubka fudud, iyo kuwo boobayaasha culus ah, kuwaa soo keena iska-horimaad bulsho, oo dalkeenana ka dhaca kuwo ilaa labaatan sannadood soo taxnaa, oo goboladda Sool, Sanaag, Awdal iyo Selel ka dhacay, mudadii xisbiga KULMIYE talada dalka hayey hawlo nabadeyn badan ayaa laga qabtay dalka. Waxaanan hawlaha nabadgelyadda qaarkood ka hawlgelinay ilaa sagaashan qof oo suldaano, garaado, Boqoro, Cuqaal, waxgarad iyo odeyaal ka socda gobolada kale ee dalka ay qeyb ka noqdaan nabadeynta deegaamada Ceelafweyn, si xal looga gaadho, waxa kaloo qeyb ka noqday golaha guurtida ka dib markii Madaxweynaha JSL, Gudoomiyaha Guurtida iyo Annigoo Wasiirka Daakhiliga aan go’aansannay, hawshiina ilaahay mahdii nabadgelyo ayaa lagu soo dhameeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed ayaa sheegay in Wasaaradu ku maamusho gobolada iyo Degmooyinka Xeer no 23/2019 uu Golaha Wasiirada & Baaralamaanku ansixiyeen, kaasoo kala xadeynaya awoodaha dawladda dhexe ku maamulayso oo Wasiirka Arrimaha Gudahu masuul uuga yahay, si loo kobciyo aqoonta xildhibaanada Wasaaradu waxay qaaday talaabooyin tababaro lagu siinayo, isagoo yidhi,

“Saddex iyo labaatan degmo oo doorashooyinkii ka dhaceen saddex degmo xildhibaano kama soo bixin, oo kala ah Badhan, dhahar iyo Laasqoray, laakiin labaatan degmo xildhibaano ayaa ka soo baxay, waxaanay dhamaan xildhibaanadii soo baxay wasaaradu u samaysay tababaro aqoon-korodhsi ah, waxaanan Wasaarada Maaliyadda ka codsanay in la siiyo aqoonta qaabka xisaabaadkooda u diyaarsanayaan, Wasaaradda Deegaanka inay barto waxyaalaha looga baahan yahay inay deegaankooda ka ilaaliyaan sida dhuxul shiditaanka, duurjoogta, ilaalinta deegaanka iyo Wasaarado kale oo mid walba waajibaadka ka saaran goleyaasha Deegaanka la barayey.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in Distoorka Dalku qodobadiisa yihiin kuwo kooban, laakiin qodob walba leeyahay xeerar ka farcama, xeerarka Wasaaradu ku shaqeyso, waxaana ugu muhiimsan Xeer No 51/2012 oo ah Xeerka ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyadda Guud, oo si toos ah ugu shaqeeyaan Ciidanka Booliiska iyo Taliyahoodu, isagoo yidhi,

“Wasaarad walba oo dalka ka tirsan xeerkeeda ayey ku shaqeeyaan Ciidamada Amaanku, sababtoo ah cududoodu waa ciidamada nabadgelyadda, waana shuruucdii aanu baraynay goleyaasha deegaanka. Wasaarad walba falka loo qeysto shaqadeeda cidda la doonayo inay wax ka qabato waa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, anniguna Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaan farayaa inuu wax ka qabto.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guud Maxamed Adan Saqadhi (Janno-gale) oo warbixin ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey waajibaadka ciidanka booliisku u xilsaaran yahay, iyo talaabooyinka ay u qaadeen sugitaanka nabadgelyada hantida shacabka JSL.

Bulsahdii kulanka ka qeybgashay oo su’aal weydiinayey Wasiir Kaahin ayaa yidhi, “Qolyaha Mucaaradku waxay ku doodaan ma samaynayno wax aanu xisbiga KULMIYE samayn, markii uu mucaaradka ahaa, anniguna xilligaa oo Md. Rayaale Madaxweyne ahaa magaalada hargeysa ma joogine miyiga ayaan joogay, markaa waxii KULMIYE wakhtigaa samayn jiray, xilligana aad mucaaradka u diidan tihiin maxay ahayd ayuu weydiiyey.

Wasiir Maxamed oo ka jawaabaya ayaa yidhi, “Arrintaasi way jirtaa, marar horena waan ka hadlay, Dastuurka Qaranka, qodobkiisa 32aad, waxuu jideynayaa in qofwalba xaq u leeyahay inuu abaabulo, ka qeybgalo, kulan, mudaharaad, wax doorto ama la doorto. Farqada labaadna waxay sheegay in muwaadin walba xor u yahay inuu ka qeybqaato si xeerka waafaqsan? Isweydiintu waa waa xeerkee, siduu u waafaqsanaanayaa? Xeerka Distoorku jideynayo waa Xeer no 51/2012 Xeerka Anshaxa, oo qodobkiisa 10aad, ilaa 15aad  oo mid walba qeyb ka hadlayo nooca mudaharaadka, cidda abaabualaysa, halka lagu qabanayo, iwm, halkan waa caasimadii dalka, gobolada cidda masuulka ka ah waa Badhasaabadda, ogolaanshaha Mudaharaadka waxa la weydiisanayaa Badhasaabka gobolka, maayirka Degmadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha. Xeer no 51/2012 waxuu mamnuucayaa in meelaha qaarkood mudaharaad laga dhigo, sid ameelaha bulshadu ku kulanto ee kulamadu ka socdaan. Cidda mudaharaadka dhigaysa iyo Wasaaradu way isaga imanayaan nooca mudaharaadka ay doonayaan inay dhigaan, waxa dhigi kara macalimiin, xisbi, dhakhaatiir, muruqmaal, ama cid kale, xeerku waxuu dhigayaa in cidda awood au leh ogolaanshahiisa iyo dadka abaaulaya inay ka heshiiyaan. Labada xisbi mucaarad Wasaaradda kama soo codsan inay mudaharaadaan. Annagu berigii hore Taliskii siyaad Barre ayaan ka badbaadinay dalka, maanta xisbiyada Mucaaradku yey dalka ka badbaadinayaan? Ma Anniga, ma Madaxweyne Muuse Biixi?

Madashii xalay oo dadweynahii ka soo qeybgalay su’aalo kala duwan ku weydiiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiintii ku wehelinayey oo Taliyeyaasha Ciidamada Amaanka, ayey dhamaantood ka bixiyeen jawaabo waafi ah oo la xidhiidhay su’aalahii bulshadu u sooo jeedisay.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply