Salah oo ka Nixiyay Jurgen Klopp, Kuna Biiraya Koox ay Xafiiltamaan Liverpool

0
370

Qiimaha cusub ee uu suuqa ka taagan yahay: £90.00 million | Inta uu kordhay qiimihiisu: 150%

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa diyaar u ah inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha Premier League ee ay sida weyn u xafiiltamaan Liverpool, kaddib markii ay soo jiitameen wada-hadallo midho-dhal noqon waayey oo la doonayay in lagu kordhiyo qandaraaskiisa Anfield.

Sannad kaliya ayaa ka hadhsan heshiiska uu Mohamed Salah kula jiro Liverpool, waxaanay illaa  hadda labada dhinac isku fahmi la’yihiin sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen mustaqbalkiisa iyadoo ay kala taagan yihiin laba meelood oo kala fog marka aad ka eegto waxa uu ciyaartoygu dalbanayo iyo in ay kooxdu u aragto wax aan macquul ahayn.

29 jirka reer Masar ayaa hore u caddeeyey in uu xilli ciyaareedka foodda inagu soo haya sii joogayo Liverpool laakiin aanu wax dhaafsiisan ka hadli karayn iyadoo wax walbana uu gacanta u geliyey Liverpool oo uu sheegay in uu go’aan ka sugayo.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic ee xogtiisa aadka loogu kalsoon yaahy, xiddiga reer Masar ayaa mar horeba bilaabay inuu ka fikiro inuu soo afjaro waayihiisa ciyaareed ee Liverpool, waxaana uu xataa gaadhay heer uu ka fikiro in aanu heshiis cusub u saxeexin wax kasta oo ay kooxdu samayso.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in Salah uu albaabada u furayo kooxaha Premier League oo uu diyaar u yahay inuu ku biiro mid ka mid ah naadiyada xafiiltanka weyni ka dhexeeyo Liverpool haddii xaaladdani sii socoto, taas oo jug weyn ku noqonaysa Reds oo sidoo kale uu ka tegayo Sadio Mane oo toddobaadkan shaaciyey go’aankiisa.

Manchester City oo afar jeer ku guuleysatay horyaalka Premier League shantii sannadood ee ugud ambaysay lehna awood dhaqaale oo ay mushahar badan ku siin karayso ayaa la rumaysan yahay inay tahay kooxaha uu niyadda ku hayo Mohamed Salah, waxaase iyaguna liiska kooxaha uu tegi karayo ee uu ka fiirsanayo ka mid  ah Manchester United i

Leave a Reply