Tababar Ku Saabsan Wadashaqeynta Bulshada & Ciidanka Booliiska Oo La Qabtay

0
451

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer G/Sare Axmed Maxamuud Guutaale ayaa shalay soo xidhay tababar laba maalmood soday saraakiil & ciidan ka tirsan Qeybta Booliiska ee Gobolka Togdheer, iyo xubno ka tirsan Guddiyadda Nabadgelyadda Xaafadaha ee magaalada Burco.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Tababaradda ee Ciidanka Booliiska, Xafiiska isku-xidhka Bulshada, Xafiiska Ingiriiska, isla markaana uu fududeynayey hay’adda Adam Smith ayaa ku saabsanaa xoojinta wada shaqeynta ciidanka Booliiska iyo bulshada, oo u hadal ka jeediyey madaxa xafiiska isku-xidhka Bulshada & Ciidanka Booliiska laba xidigle Nuuradiin ayuu sheegay in muhiimada tababarku ahaa sixii loo sii xoojin lahaa wada shaqeyntii u dhexeysay Ciidanka booliiska iyo bulshada, taasoo qeyb ka ah siyaasadaha Taliyaha Ciidanka Booliiska ku doonayo in lagu adkeeyo nabadgelyadda guud ee dalka.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Togdheer G/Sare Axmed Maxamuud Guutaale oo hadal ka jeediyey ayaa Guddiyadda Xaafadaha iyo Ciidanka uuga mahadceliyey sidii ay uuga faa’iideysteen mudaddii tababarku socday, isla markaana uugu baaqay in aqoontii ay barteen noqoto mid sii horumarisa wada shaqeyntii Ciidanka Booliiska iyo Bulshadu isaga kaashanayeen ilaalinta amaanka iyo nabadgelyada dalka.

 

 

 

Leave a Reply