Kontonka Kooxood ee ugu Wanaagsan Adduunka oo la soo Saaray

0
361

Toddobaadyo ka dib markii lasoo gabogabeeyey horyaallada kala duwan ee xilli-ciyaareedkii 2021-22, waxa la sameeyey qiimaynta kooxihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii tegay, kuwaas oo safka hore  ay kaga jiraan naadiyada Ingiriisku.

Real Madrid oo ku guuleysatay tartanka Champions League ayaa kaalinta saddexaad ku jirta, waxaanay soo samaysay sare u kac weyn marka loo eego heerkii ay sannadkii hore ku jirtay waqtigan oo kale, laakiin marka la eego guulaha ay gaadhay waxay taageereyaashu filanayeen inay ka sarrayn karto booska saddexaad.

Liverpool iyo Manchester City oo si weyn ugu dagaallamay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay, ayaa ku jira kaalmaha sare, waxaana booska koowaad looga tanaasulay Liverpool oo ku guuleysatay FA Cup iyo Carabao Cup, sidoo kalena finalkii Champions League ay Real Madrid ku garaacday, halka  Man City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League ay kaalinta labaad fadhido.

Inkasta oo guul-darro 1-0 ah ay Real Madrid u xambaarisay finalkii Champions League ee Sabtidii lagu ciyaaray magaalada Paris, haddana kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaar heersare ah muujisay, waana sababta ay kaalinta koowaad usoo gashay.

Qiimaynta 50ka  kooxood ee ugu wanaagsan dunida waqtigan oo ay samaysay ClubElo, waxa ku jira 14 kooxood oo horyaalka Premier League ah, waana horyaalka kooxaha ugu badan ay kaga jiraan liiskan.

Kooxda tobanka jeer ee isku xigta ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich ayaa kaalinta afraad kaga jirta liiska kooxaha ugu wanaagsan, waxaana ku xiga Chelsea iyo Ajax, halka Barcelona, Atletico Madrid, Tottenham iyo Inter Milan ay dhamaystireen tobanka boos ee ugu sarreeya.

Waxa kaalinta 11aad u dhacday Paris Saint-Germain oo ku guuleysatay horyaalka  Ligue 1, laakiin si niyad-jab ah wareeggii 16ka ugaga hadhay Champions League kaddib markii ay Real Madrid guul soo laabasho ah kaga gaadhay Santiago Bernabey.

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan dunida waqtigan:

  1. Borussia Monchengladbach
  2. Brentford
  3. Rangers
  4. Freiburg
  5. Marseille
  6. Rennes
  7. Lazio
  8. Wolverhampton Wanderers
  9. Feyenoord
  10. Union Berlin
  11. Atalanta
  12. Eintracht Frankfurt
  13. Lyon
  14. Athletic Bilbao
  15. Aston Villa
  16. AS Monaco
  17. Crystal Palace
  18. AS Roma
  19. Real Sociedad
  20. Newcastle United
  21. Brighton & Hove Albion
  22. PSV Eindhoven
  23. Benfica
  24. Red Bull Salzburg
  25. Sporting CP
  26. Real Betis
  27. Leicester City
  28. West Ham United
  29. Juventus
  30. Bayer Leverkusen
  31. Borussia Dortmund
  32. Napoli
  33. Manchester United
  34. RB Leipzig
  35. Sevilla
  36. FC Porto
  37. AC Milan
  38. Villarreal
  39. Arsenal
  40. Paris Saint-Germain
  41. Inter Milan
  42. Tottenham Hotspur
  43. Atletico Madrid
  44. Barcelona
  45. Ajax
  46. Chelsea
  47. Bayern Munich
  48. Real Madrid
  49. Manchester City
  50. Liverpool

 

Leave a Reply