Waxaan Dadweynaha Somaliland ka Codsanayaa in aanay Halaagin Ubadkooda.”Dr. Gaboose

0
370

Hargeysa (Dawan)Guddoomiyaha Urur
Siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in lixda bilood ee ugu dambeeya muddo xileedka Xisbiyadda la furayo Ururada Siyaasada.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waxaa uu intaasi ku daray  in aanay sax ahayn tabashada Xisbiyadda Mucaaradka kaga soo hor jeesteen  furista Ururada Siyaasada,isla,markaana ay nasiib darro tahay.

Maxamed Cabdi Gaboose oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”In ururada la furo xabsi ayaanu ku galnay Maanta waxa nasiin darro ah Xisbiyadda Mucaaradka xaqbay u leeyihiin in  tabashadooda,waxaana aanu u aragnaa tabashadooda mid aan sax ahayn waayo waxa yaala Xeerkii sheegayay in lixda bilood ee ugu dambeeya la furayo Ururada Siyaasada.mid koodna makeeni karo hal qodob oo diidaya in aan ururada la furin  iyaga ayaa ku saxeexan hadana waxa ay leeyihiin lama furi karo waxa,xaqa aasaasiga ahi waa in aad wax doorato iyo in lagu doorto waa in dastuurka loo maro xaqa uu ku siiyay,”.

Sidoo kale Gaboose ayaa waxa uu sheegay in shaqada  Wasaarada arimaha tahay in looga fasaxqaato Mudaharaadka.Waxaana uu yidhi”Xeerka kuu saamaxaya in aad mudaharaad samaysid  waa xeer Wasaarada arimaha gudaha xukunto.marka la yidhaahdo aan ka wadahadalno Mudaharaadka macnaheedu waxa weeye sidee ayaa loo mudaharaadi karaa yaana kala celinaya hadaanay Wasaarada arimaha gudaha kala haybin,waxa aad ka mudaharaaday yaan la furin Ururada anaguna mid kale ayaanu abaabuli karnaa labadeenii ayaa isku dhacaya yaana kala celinaya hadaanay  Wasaarada arimaha gudaha aanay na kala habayn, waxa shacbiweynaha Somaliland iyo waalidiinta ka codsanayaa in aanay halaagin u badkooda oo qoys waliba la hadlo u badkiisa. dhibaatada ka dhacda Mudahraadka su,aalo badan ayaa ka imanaya dhibaatadaas,”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply