Safiirka Somaliland ee UK oo Qaadhaanka Waaheen Dhexgeeyey madal Caalamka laga Daawanayey oo Todoba boqol oo Maalqabeen Joogeen

0
425

Maxamuud Walaaleye

Hargeysa-(Dawan):-  Safiirka Somaliland  ee Ingiriiska mudane. Cabdi Cabdillaahi Dayax-weerar ayaa sheegay inuu tabarucaadka qaadhaanka Waahen dhexgeeyey madal caalamka oo dhan laga daawanayey oo todoba boqol maalqabeen ka soo qeybgaleen.

Kulan sannadle ah oo mulkiilaha telefishanka ISLAM ee magaalada London soo  qabnqaabiyey, isla markaana ka soo qeybgaleen maalqabeenada kala duwan ayaa lagu uruuriyey qaadhaan loo qorsheeyey wax ka qabashada suuqa Waaheen.

Telefishanka ISLAM, oo ay is-kaashanayeen ha’adda Action humanity iyo golaha mulsimiinta yurub ayaa ka qeybgelayaal Wefdi Somaliland oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd hoggaaminayey qeyb ka ahaayeen ka qabsoomay hudheelka London Marriot.

Kulanka oo inta badan qaadhaan loo uruuriyo muslimiinta dunida daafaheeda dhibaatooyinku ku qabsadaan sida Yemen, Suuriya, isla markaana hay’ado badan oo caawiya ku soo bandhigaan qaadhaan uruurintooda ayaa wefdiga Somaliland uu khudbad ka jeediyey Wasiirka Khaarajiga Dr Ciise ku dalbanayey in muslimiinta caalamka iyo dadka kale taageero ka geystaan wax ka qabashada suuqa Waahen.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen asxaabta Ingiriiska, ururada samafalka, hogaamiyayaasha siyaasada, maalqabeeno iyo bulshada, ayaa qaadhaan uruurinta ka sokow khudbado kala duwan ka jeediyeen masuuliyiinti lagu casuumay qaarkood.

Safiirka JSL ee UK Md. Cabdi Cabdilaahi oo wargeyska Dawan wax ka weydiiyey siday uugu suurtagashay in madasha ay ka qeybgalaan oo ka hadlaaan ayaa sheegay inay aqoon fiican oo u dhexeysay mulkiilaha Telefishanka ISLAM Channel, Hon. Maxamed Cali, isla markaana muddo hore booqasho ku yimi dalka Somaliland, uu ka dalbaday inay ka qeybgalaan isla markaana Wasiirka Arrimaha Dibeddu Dr. Ciise khudbad ka jeediyo.

Safiir Dayaxweerar ayaa sheegay in qaadhaanka lagu uruuriyey kulanka marka uu soo dhamaado lagu soo wareejin doono Guddiga Qaran ee Suuqa Waahen.

Dhinaca kale Safiirka JSL ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi ayaa sheegay in munaasibadahii maalinta qaranimada 18 May ka qabsoomeen dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka UK, sannadkan, isla markaana lagu soo uruuriyey qaadhaan magaalo walba, taasoo uu u xilsaaray 31 guddi qaabilsanaa arrinkaa.

 

Leave a Reply