Buurtan Cas ayaa ku taalla degmada Sheekh Cismaan ee Magaalada Boorama, ee xarunta gobolka Awdal.

0
576

 

Buurta Cas ayaa ah Buur xilli kasta guudkeedu mashquul yahay isla markaana ay duudka sare kaga joogaan dad aad u tiro badan oo dhegta ku haya taleefanka Gacanta.

Dalxiis umay tegin dadkaasi Buurta Cas ee Degmada Sheekh Cismaan ee magaalada Boorama, mana aha taleefanka ay dhegta ku hayaan ateeno la’aan iyo cillad ku timi shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland, balse waa baahi taleefan waxa dadka Buurta Saaray.

 

 

Dhamaan dadka Buurta Cas dusha sare uga baxay waxay la hadlayaan dalalka Deriska waxaanay adeegsanayaan simikaadhada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti sababtuna waxay tahay dhanka adeegsiga lafta kaadhka lagu hadlo ee Itoobiya marka aad Itoobiya la hadlayso waxay ka dhigan tahay in ay gudaha Itoobiya ama Jabuuti ay ka hadlayaan

“Buurtan waxa aanu u nimid oo aanu soo fuulay, waxay tahay waxa laga hela aanteenada dalalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya, qofkasta oo naga mid ah oo buurtan yimaada waxa uu lafta telefoonada Itoobiya iyo Jabuuti ugu hadlaya sidii uu dalka gudihiisa joogo.

Dhab ahaantii aadbaan ugu faraxsanahay in Buurtani ay noqoto mid buuraha kale ee gobolka Awdal ka duwan, isla markaana fududaysay wada hadalka bulshooyinka magaalada iyo magaalooyinka kale ee dalalka jaarka.

Aniga aanteenada si fiican ayay igu soo qabata, ehelkayga iyo asxaabtayda joogta Itoobiya si fiican ayaan ula xidhiidha, aniga oo ku hadla kaliya lacagta intii aan ku hadli jiray markaan Itoobiya joogay.

Anigu dhallinyarada dalxiiska ku joogta magaalada ee ka timid Jabuuti ayaan ku jira, buurtan Cas waxa ay ii sahashay in aan si dhaw ula hadlo ehelkayga, sababto ah markii hore aanan iman jirin buurtan lacag badan ayaa igaga bixi jirtay ku hadalka, balse hadda intii iga bixi jirtay markii aan Jabuuti joogay uunba igaga baxda ku hadalka, waan ku faraxsanahay in buurtani ay noo fududaysay in aanu si maalinle ah ula hadalo elada iyo qaraabadayada intaba”Ayay yidhaaheen qaar ka mida dhallinyaradii la hadashay Wargeyska Dawan, ee aanu goobta kula kulanay.

 

Leave a Reply