Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada oo Hawl Gallo ka Fulisay Gobolka Saraar

0
368

Caynaba(Dawan):-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ee gobolka Saraar ayaa baabiisay goobo kala duwan oo lagu diyaarin jiray dhuxusha inta aanay u rarin goobaha ay u iib geeyaan.

Hawlgalkaas oo uu horkacayey isu duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimilada Somaliland ee gobolka Saraar Mubaarik Ismaaciil Cismaan ayaa waxa si weyn uga qayb qaatay dadka deegaanka oo wasaaradda kusoo wargeliyey goobahan lagu kaydin jiray Dhuxusha inta aan la rarin ka hor,iyada oo si weyn loo xagaafay,loona gooyey dhirtii deegaankaas ku taaley.

Waxa ugu horeyn ka warbixiyey hawlgalka ay ciidamada Booliska gobolka Saraar iyo wasaaradda deegaanku ka fuliyeen goobahaas isu duwaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada gobolka Saraar Mubaarik Ismaaciil Cismaan,waxaanu tilmaamay in ay hawlgalkoodan ku gebo gebeeyeen falal dhuxulayso oo lala galay tuulada Ulasan oo ka tirsan gobolka Saraar,isaga oo intaas ku daray in aanu deegaankaasi dhuxulaysato lahaan jirin,laakiin ay hadda ka bilaabantay,waxaanu cadeeyey in ay shakhsiyaadkoodii iyo magacyadoodiiba hayaan,isla markaana ay hayaan cidii abaabulaysay ee hawshooda waday.

Waxa uu isu duwaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee gobolka Saraar si weyn ugu mahadceliyey ciidamada Booliska Somaliland ee degmada Wadaama Goo iyo shacabka deegaankaas oo si weyn gacan uga siiyey hawlgalkan,isaga oo digniin u diray cid kasta oo ku hawl-lan falalka dhuxulaysiga iyo deegaan xaalufinta.

 

Waxa uu sidoo kale isu duwe Mubaarik Ismaaciil Cismaan fariin u diray dad uu sheegay in ay wadaan in ay soo celiyaan oodashada dhulka iyo samaynta seereyaasha sharci darada ah,isaga oo tilmaamay in la joojiyo dhulka la oodanaayo,madaama dhulku waqtigan abaar yahay.

Dhankoodana Taliyaha saldhiga Ciidanka Booliska ee degmada Wadaama Goo iyo guddoomiyaha degmada Wadaama Goo oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa digniin u diray cid kasta oo ku hawlan in ay dhirta jarto,isla markaana dhuxul ka shido.

 

Leave a Reply