Bulshada oo soo Dhoweysay Go’aan Xukuumadu ku hakisay Korodhka Qiimaha Korontada

0
182

Maxamuud Walaaleye

Hargeysa-(Dawan) Guddoomiyaha Komiishanka Tamarta Md. Axmed Faarax Cadare ayaa hakiyey qiimo-korodh shirkada laydhku ku sameeyeen adeega korontada ay siiyaan macaamiisha.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cadare oo wargeyska Dawan nuqulkiisu soo gaadhay ayaa lagu sheegay in Komishanka Tamarta Somaliland ay hakiyeen kor u kaca qiimaha laydhka ee shirkada korontadu soo saareen, oo ku dhowaad ay labanlaabeen qiimahii ay ku iibin jireen kilowatt.

Komiishanka ayaa faray shirkadaha laydhka inay khalad tahay sida ay keligood u go’aansadeen inay kordhiyaan qiimaha laydhka, oo wada xaajood uuga socday, isla markaana aan go’aan rasmi ah labada dhinac ka gaadhin.

Ugu dambayn qoraalka gudoomiye Cadare ayaa lagu sheegay inaanay wax lacag ah ku kordhin Karin qiimahii hore ee ay ku iibin jireen korontada, inta go’aan laga mideysan yahay laga gaadhayo.

Talaabada xukuumada ayey bulshadu si weyn u soo dhoweysay, xilligan oo ay la tacaalayaan sicir-barar ku yimi maciishadahii quutal-daruuriga ee dalka iyo dibedda laga keeni jiray.

 

Leave a Reply