Madaxweyne Ku-Xigeenka oo Qaabiley Wefti ka Socda Sucuudiga

0
182

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo xafiiskiisa ku qaabiley madaxa afrika u qaabilsan boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Markisul Abu Salmaan. Kulankaasi oo ay ku wehelinayeen goddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh iyo agaasimaha waaxkada gargaarka mudane Mustafe Cabdillaahi Xaashi iyo Siciid Cabdi Gaboobe oo ka tirsan hay’addaasi ayaa kulankaasi hadal kooban ka jeediyay.

Ugu horrayn waxa kulankaasi ka hadlay guddoomiyaha waaxkada gargaarka iyo mucaawinooyinka mudane Mustafe Cabdillaahi Xaashi waxaanu ka waramay deeqihii ugu dambeeyay ee ay dalka Sacuudi Arabayiga soo gaadhsiisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay deeqa ay soo gaadhsiiyay ha’addani waxaanu tilmaamay in 36121 qoys oo raashin ah ay soo gaadhsiiyeen boqortooyada Sacuudi Arabiya, isla markaana ay u qaybiyeen dadka danyarta ah iyo meelihii ay saameeyeen abaaruhu.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shaqada waxanu bilawnay 03 April 2022, waa 36121 qoys raashinkkood oo isku miisaman ayay ahayd. Runtii labadaa bilood ee ay shaqadu socotay ee ay gacanta ku haysay hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland waxaanu ka qaybinay dhammaan gobolada dalka Somaliland.”

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh waxa uu u mahad naqay dawladda Sacuudi Arabiya, sidoo kalena waxa uu ka codsaday in ay sii wadaan deeqa ay soo gaadhsiiyaan bulshada jilicsan ee reer Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa dawladda Sacuudi Arabiya oo aan uga mahad naqayo deeqa ay soo gaadhsiiyaan Somaliland, waxa kale oo aan ka codsanayaa in ay sii wadaan deeqaha ay na soo gaadhsiiyaan maadama oo ay wali abaaruhu jiraan.”

Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna dhankiisa uga mahad naqay dawladda Sacuudi Arabiya deeqaha ay soo gaadhsiiyeen Somaliland iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal, waxaanu yidhi “Waxaanu maanta halkan u joognaa soo dhamaystirka deeq qiimo badnayd ee oo ka timid dalka Sacuudi Arabiya, aad iyo aad baanu ugu mahad naqaynaa deeqdaasi qiimaha lahayd ee ay ina soo gaadhsiiyeen iyada oo ay dalka ka jirto xaalad adaq oo abaareed.”

 

 

Leave a Reply