Wasiirka Arrimaha Dibada oo kulan la yeeshay Waxgaradka JSL ee dalka Ingiriiska

0
328

London (Dawan- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo kulan is-xogwareysi la yeeshay waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka Qurbajooga Ingiriiska ayaa sheegay,

Kulan uu soo qabnqaabiyey Safiirka JSL ee dalka Ingiriiska Md. Cabdi Cabdilaahi Dayax-weerar, kana soo qeybgaleen xubno ka koobnaa jaaliyadda guud ee SSA iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ayey isku wareysteen wefdi uu hogaaminayey Dr. Ciise oo socdaal ku joogay dalka.

Gudoomiyaha Jaaliyadda guud ee SSA oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo Safiirka UK Md. Dayaxweerar, oo fududeeyey in jaaliyadda iyo wefdiga Wasiirka Dr. Ciise, kulmaan, shaqooyin badana la’aantii ka suurtoobeen dalka Ingiriiska.

Safiirka JSL ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi Dayax-weerar oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay kulanka ku soo casuumeen xubno metelaya dhamaan jaaliyadaha dalka Ingiriiska. Waxuu sheegay in kulanku daaran yahay sidii ay jaaliyaddu u sii sagootin lahaayeen wefdiga Dr. Ciise oo dalka ku soo noqonaya, dhinaca wefdiguna ugu waramaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo hadal u jeedinayey jaaliyadda ayaa sheegay in siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland meel fiican marayso, isla markaana maalin walba wefdiyo cusub booqasho ku tagaan dalka Somaliland, waxaanu yidhi,

“Nabada iyo xasiloonida Ilaahay mahadii Somaliland ka jirta ayaa keenay in caalamku xiiseeyaan Somaliland. Waa dal bogcad istaraatiiji ah ku yaala oo dad-is-ogol ku noolyihiin.

Wasiir Dr. Ciise ayaa sheegay in siyaasadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa waxqabadka iyo waxtarka Jaaliyaddaha, si ay wadamada ay joogaan ay codadkooda ugu faa’iideeyaan dalkooda.

Leave a Reply