Kooxda Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in hishiis cusub ka saxiixdeen Sergi Robeto kaasi oo xilli ciyaareed dheeraad ah sii joogaya Camp Nou.
Midkiisa haatan waxa uu dhacayay 30-ka June waxa ayna Barca haatan gaarsiiyeen illaa iyo xagaaga 2023-ka.
Arinta hishiis kordhinta ayaa timid ka dib markii laacibka uu ogalaaday in %60 uu dhimo mushaarkiisa maadaama Barca xaalad dhaqaale ay mareyso.
Sergi ayaa ka yimid akademiyada Barca , wax auu guud ahan u saftay 316 kulan dhamaan tartamada halka uu dhaliyay 12 gool.