Somaliland oo Laga Hirgeliyay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Awooda Wax-Soo-Saarka iyo Maamulka Kalluunka

0
315

Hargeysa (Dawan) Somaliland iyada oo laga duulayo kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka, ayaa waxa loo abuuro shaqooyin lagu horumarinayo xaalada nololeed ee bulshada, waxaanu Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, uu wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland ka taageeray hirgelinta mashruuca dib u dhiska dekedda Maydh, oo looga gol leeyahay tayeynta awoodda wax-soo-saarka iyo mamulka Kalluunka.

Sidoo kale bulshaweynta ku nool gudaha magaalooyinka Somaliland, oo barigii hore ay kalluunka ka doorbidi jireen hilibka xoolaha, ayaa hadda waxa kor u kacay isticmaalka kalluunka, iyada oo lagu sababeeyay laba arrimood, qiimaha lagu iibsado hilibka xoolaha oo kor u kacay iyo bulshada oo hadda fahantay faa’iidooyinka caafimaad ee ku jira cunista kalluunka, waxaana sidan lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay barta xidhiidhka bulsahda ee wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

Waxaa kale oo warbixintan lagu sheegay in kalluumaysatada Somaliland ay soo qabtaan kalluun aad u tiro yar oo qiyaas ahaan kayar 5% xaddiga keydka kalluunka kujira badda.

Waxaana lagu yidhi warbixinta.“Somaliland waxa ay leedahay xeeb dheer oo gaadhaysa illaa 850 km, biyahani waxa ay hoy u yihiin noocyo badan oo kala duwan oo kalluun ah, balse kalluumaysatada Somaliland waxa ay soo qabtaan kalluun aad u tiro yar oo qiyaas ahaan kayar 5% xaddiga keydka kalluunka kujira badda.

Beryihii hore dadka ku nool Somaliland waxa ay kalluunka ka doorbidi jireen hilibka xoolaha, balse beryahan dambe waxaa kor u kacay isticmaalka kalluunka iyada oo ay sababtu tahay laba arrimood.

  • Hilibka xoolaha oo aad qaali uga ah maagaalooyinka
  • Iyo dadka oo hadda fahmay faa’iidooyinka caafimaad ee kujira cunista kalluunka”

Somaliland iyada oo laga duulayo kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka, ayaa waxa loo abuuro shaqooyin lagu horumarinayo xaalada nololeed ee bulshada, waxaanu Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, uu wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland ka taageeray hirgelinta mashruuca dib u dhiska dekedda Maydh, oo looga gol leeyahay tayeynta awoodda wax-soo-saarka iyo mamulka Kalluunka.

waxaana lagu yidhi.“Si kor loogu qaado wax-soo-saarka kalluunka, loo abuuro shaqooyin, loona horumariyo xaaladda nololeed ee dadka, Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxa uu ka taageeray wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, hirgelinta mashruuca dib u dhiska dekedda Maydh, tayeynta awoodda wax-soosaarka iyo mamulka Kalluunka.

Mashruucan waxaa looga danleeyahay sidii kor loogu qaadilahaa wax-soo-saarka kalluunka iyada oo la horumarinayo kaabayaasha muhiimka u ah iyo awoodda maamul ee wasaraadda.”

Mashruucani ayaa la hoosta laga xariiqay in uu gacan ka gaystay yaraynta dhaca marka lagu hawlan yahay soo saarinta kalluunka.

Waxaana lagu yidhi. “Mashruucu waxa uu gacan ka geystay yaraynta khasaaraha dhaca marka la soo saaro kalluunka isaga oo mashruucu dayactir iyo dib u dhisba ku sameeyay kaabayaasha wax-soo-saarka iyo keydinta kalluunka si kor loogu qaado waxsoosarka iyo dakhliga kalluunka.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo lagu taageero dawladda Somaliland si ay u fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaa maalgelintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherland.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply