Gudoomiyaha Ururka WAABERI iyo Wefdigiisa oo soo Dhoweyn Balaadhan kala kulmay Goboladda Bari

0
515

Hargeysa-(Dawan):- Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka WAABERI Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Ataash iyo wefdi balaadhan oo u hogaaminayo ayaa shalay si weyn loogu soo dhoweeyey duleedka magaalo-madaxda Gobolka Saraar ee Caynaba.

Gudoomiye Md. Cabdirisaaq oo maalmahii u dambeeyey booqasho ku marayey goboladda Barriga ayaa shalay magaalada Caynaba ka furay xafiis Urur-siyaasadeedka WAABERI ku yeelan doonto magaalada, isla markaana waxgarad, Cuqaal, iyo masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood ballanqaaday inay si weyn u taageeri doonaan Urur-siyaasadeedka WAABERI.

Mudane. Ataash oo la filayo inuu kulan balaadhan la yeesho madaxda, waxgaradka, iyo bulshada magaalada Caynaba, ayaa soo dhamaystay booqasho uu ku soo maray magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, isla markaana uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Laascaanood.

Booqashada Wefdiga Gudoomiyaha WAABERI ku joogo goboladda Barriga ooh ore socdaal ugu soo maray degaamada gobolka Sanaag, ayaa la filaya inuu ku soo marro deegaanada Gobolka Togdheer iyo gobolka Saaxil, intaanu u soo gudbin goboladda Galbeedka JSL.

 

Leave a Reply