Israa’iil oo digniin u dirtay muwaadiniinteed ku sugan Turkiga

0
494

Israa’iil ayaa ka codsatay muwaadiniinteeda booqashada ku jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga inay “si degdeg ah uga baxaan”, iyadoo ka digaysa “halis” halkaasi ka jirta oo ka imanaysa Iran. Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa ka digay”khatar dhab ah oo degdeg ah”, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weerar argagixiso oo Iran ay fulin rabtay laga hortagay bishii hore.

Waxa uu sheegay in weerarka la fashiliyay uu ahaa mid ka mid ah dhowr weerar oo ay Iran qorsheyneysay. Lapid waxa uu intaa ku daray in weerarada la fashiliyay ay bartilmaameedsanayeen muwaadiniinta Israa’iil “si ay u afduubaan ama u dilaan.” Horaantii Isniintii, idaacad ku hadasha afka Israel ayaa sheegtay in Iran ay qorsheyneysay inay dad Israa’iliyiin ah ka afduubato Turkiga bil ka hor, iyadoo xustay in la fashiliyay kadib markii Israel ay ku wargelisay Ankara khatarahaasi.

“Haddii aad horeba u joogtay Istanbul, sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabo Israa’iil , haddii aad qorsheynaysay safar aad ku tagto Istanbul – jooji. Fasax noolashaada ayaa ka muhiimsan.” ayuu yiri Lapid. Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ka digay in loo safro guud ahaan dalka Turkiga haddii aanu safarkaasi ahayn “mid lama huraan ah”.

“Halkan waxaan rabaa in aan fariin uga diro Iiraaniyiinta , cid kasta oo dhibaato u geysata Israa’iil ma gudbi doonto ciqaab la’aan, cududda dheer ee Israa’iilna way gaari doontaa meel kasta oo ay joogaan” ayuu intaa ku daray. Tehran ayaa ku eedaysay Israa’iil in ay fulisay dilal qorshaysan oo lala beegsaday saraakiil caan ah oo Iran u dhashay gaar ahaan kuwa militari ah iyo saraakiisha ka shaqeysa Nukliyeerka.

Tehran ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israa’iil oo ay ku eedaysay dilka Hassan Sayad Khodayei, oo ahaa Kornayl ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran, kaas oo lagu dilay toogasho ka dhacday bannaanka gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tehran, isagoo ku dhex jira baabuurkiisa 22-kii May.

Lapid ma uusan soo hadal qaadin howlgallada Israa’iil ee lagu eedeeyay gudaha Iran.

Turkiga ayaa ah meel ay u dalxiis tagaan Israa’iiliyiinta, iyadoo labada dhinac ay ku dadaalayaan sidii ay u hagaajin lahaayeen xiriirka ka dib in ka badan 10 sano oo xiriirkoodu ahaa mid xumaa.

 

Leave a Reply