Jilaagii Sushant Singh: Saacadihii ugu dambeeyay ee noloshii

0
314

14-ka Juun oo maanta ku beegan, waxa ay sannad ka soo wareegatay geeridii atoorihii caanka ahaa Sushant Singh Rajpu kaas isku dilay gurigii uu ka degganaa Bandra. Sushant, ayaa magac ka sameeyay shaneemooyinka adduunka ka dib markii Telefeshinada laga soo daayay musalsallo xiisa badnaa.

Sushant ayaa guri u gaar ah ku lahaa Mumbai. Laakiin wuxuu rabay inuu ku noolaado guri weyn, sidaas darteed wuxuu ku noolaa guriga ku yaalla Bandra siddeed bilood ka hor dhimashadiisa. Gurigan keligii kuma noolayn.

Waxa ku wehelinayey agaasimihiisa dhanka hal-abuurka u qaabilsanaa, saaxiib iyo adeege. Ma jiro qof ka mid ah dadkii guriga kula noolaa oo u malaynayay in Subixii Axadda oo ay taariikhda ku beegnayd June 14, 2020 ay noqon doonto subaxdii ugu dambaysay nolosha Sushant.

Sushant Singh adeegihiisa ayaa u sheegay booliiska in wax walba ay wanaagsan yihiin ilaa subaxaasi. Sushant wuxuu kacay 6:30 subaxnimo. Sagaalkii subaxnimo ayaa la siiyey cabitaanka rummaanka oo uu damcay inuu cabbo, hadana isla 9-kaas subaxnimo ayuu Sushant qoraal kula hadlay walaashii.

Intaa kadib waxaa uu sidoo kale taleefoonka kula hadlay Mahesh Shetty oo la soo bilaabay shaqadiisa dhanka jilista. Labadan waxay ku jireen filimka taxanaha ee Ekta Kapoor ee Kis Desh Mein Hoga Mera Dil. Labaduba waxay ahaayeen saaxiibo wanaagsan waxa uuna qofkii ugu dambeeyay oo uu telefoonka kula hadlay.

Markaasi ka dib qolka ayuu galay oo uu gudaha isku soo xiray. Markii laga waydiiyay 10-kii subaxnimo inuu cunto cuno, Sushant kama aanu jawaabin su’aashaas. Laba ama saddex saacadood ka dib, agaasimaha wuxuu wacay Sushant walaashii, markii ay timidna waxaa loo yeeray ninkii albaabka ka furay oo sidaasi ayaa lagu furay.

Sida laga soo xigtay booliisku, Sushant waxaa laga yaabaa inuu dhintay intii u dhaxaysay 10-kii subaxnimo iyo 1-dii duhurnimo. Markii ay meydka arkeen ka dib adeegihiisii ayaa wacay booliiska.

Booliiska ayaa markii dambe warbaahinta u sheegay inay heleen warka ku saabsan dhimashadiisa laba saac ka dib. Waxayna guriga yimaadeen 2:30 duhurnimo, waxayna bilaabeen baaritaan. Waxay sheegeen inaysan guriga ka helin warqad muujinaysa inuu isaga is dilay. Meydkiisa ayaa la geeyay Isbitaalka RN Cooper 5:30 galabnimo ka dibna baaritaan ayaa lagu sameeyay.

Ilaa markaas, booliisku ma aysan bixin wax macluumaad ah. Taliye ku xigeenka Booliska Aagga 9-aad ee Mumbai Abhishek Trimukhe ayaa sheegay xilligaas in sababta dhimashada la ogaan karo ka dib marka la helo warbixinta isbitaalka.

Baadhitaanka la xidhiidha geeridiisa

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, booliska dalkaas ayaa wado baaritaan la xidhidha dhacdadaas. RAJPUT Waxay booliska wareysteen illaa 30 qof, waxaana ka mid ah filim soo saaraha ay muddada isla shaqeynayeen Sanjay Leela Bhansali.

Sida ay wararka sheegayaan, Sanjay Leela wuxuu sheegay in weligii aanu gacan-bidxeyn Sushant, aanuna ka reebin ka mid noqoshada jilaayada filimaantiisa. Sikastaba, waxaa askarta laga soo xigtay in ninkan soo saaraha aflaanta uu sheegay in jilaagaas aanu la shaqeynin muddo sababo la xidhiidha inuu mashquul ku ahaa ka soo saarista Paani. Sidoo kalen ninkan iyo jilaaga is dilay isla ma aysan hadlin tan iyo 2016-kii, wuxuuna sheegay in aanu ka warhayn in dhibaato dhanka maskaxda ah ay haysatay atoorahaas.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply