Xajka 2022: Dowladda Sucuudiga oo fariin hor leh u dirtay xujeyda sanadkan

0
626

Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegtay in hadda ka dib aan loo baahan doonin in la xidhto afxidhka taas oo sii fududeyneysa xayiraadaha fayraska corona ee la xidguudga Xajka bisha soo socota. Talaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Boqortooyada Sacuudiga ay isku diyaarineyso soo dhaweynta ku dhowaad ​​850,000 qof oo Xujey ah oo ka imaanaya dalka dibadiisa si ay uga qeyb qaataan gudashada acmaasha xajka.

Dufcaddii ugu horreysay ee xujeyda ajnabiga ah ee timaadda Sacuudiga tan iyo intii uu bilowday xanuunka Covid-19 ayaa toddobaadkii hore soo gaadhay Sacuudiga kuwaas oo ka yimid Indonesia. Afxirka ayaa wali laga doonayaa in lagu xidho gudaha Masjidka Xaramka ee Maka oo ku hareereysan Kacbada, halkaasoo ay Muslimiintu ku tukadaan, iyo Masjidka Nabiga ee Madiina, oo uu Nebi Muxamed NNKH ku aasan yahay, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Isniintii Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Marka laga soo tago shuruudahaas, “Afxidhka haatan loogama baahna in lagu xidho goobaha kale ee xiran”, in kasta oo milkiilayaasha xarumaha ay ku adkeysan karaan in la xidho Afxidhka”, ayay lagu yiri warbixinta.

Boqortooyada sidoo kale haatan dadka ugama baahna inay keenaan caddaynta tallaalka marka ay raadinayaan codsiyada gelitaanka meelaha xiran.

Faafida Covid-19 ayaa si weyn u hakisay gudashada xajka Muslimiinta, waxayna Sacuudiga u ahaayeen xil dhaqaale oo aad muhiim ah, waxaana lagu qiyaasaa inay ka helaan lacag dhan $12 bilyan sanadkiiba.

Mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waa in xajka ay gudan karaan dhammaan dadka Muslimiinta ah ee wax haysta ugu yaraan hal mar noloshooda. Martigelinta xajka waa arrin sharaf u ah madaxda Sucuudiga.

Sannadkii 2021, faafitaanka fayraska corona wuxuu ku qasbay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay si weyn hoos ugu dhigaan tirada xujeyda sannadkii labaad, waxaana ka qayb qaatay 60,000 oo muwaadiniin ah oo si buuxda loo tallaalay.

Bishii Abriil, boqortooyadu waxay ku dhawaaqday inay Xajka u oggolaanayso hal milyan oo Muslimiin ah oo gudaha iyo dibaddaba ka yimid inay ka qaybgalaan xajka sannadkaas.

Xajka sanadkan ayaa ku koobnaan doona dadka la tallaalay ee da’doodu ka yar tahay 65 sano, sida ay sheegtay wasaaradda xajka.

Kuwa ka imaanaya dalalka ka baxsan Sacuudi Carabiya, oo ay tahay inay soo codsadaan fiisaha xajka, waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan natiijada baaritaanka Covid-19 oo saameeyay 72 saacadood gudahood.

Tan iyo bilowgii fayraska corona, Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay in ka badan 778,000 oo qof oo laga helay xanuunka Covid-19 halka in ka badan 9,100 qof oo ka mid ah dadkaasi ay dhinteen.

 

Leave a Reply