Xusuusta boqorkii mar ka talin jiray Hindiya iyo dalal Muslimiin ah

0
449

Wax ka baddan muddo qarni ah waxaa la’iska hilmaamay taariikhda iyo xusuustii boqorkii ugu dambeeyay ee saldanadii xoogga badnayd ee Mughal taas oo ka talin jirtay dalalka Hindiya, Pakistan, Bangladesh, iyo Afghanistan.

Isaga oo jeebeysan, xanuunsan ayuu ku dhintay magaalada Yangon ee dalka Myamar, halkaas oo gumeystihii Ingiriiska ay geeyeen isaga oo maxbuus ah. Waxa ay ahayd sanadkii 1862-dii wax yar uun kadib markii Ingiriisku uu jabiyay ciidankiisii.

Bahadur Zafar II ayaa waxaa lagu aasay meel u dhow goobta caanka ah ee lagu magacaabo Shwedagon Pagoda ee magaalada Yangon si qarsoodi ah. Saldanadda Mughal waxa ay talin jirtay muddo 300 sano ka badan, Zafarna waxa uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ka hor intii aanan xukunka laga tuurin sanadkii 1857-dii xiligaas oo hormuud ka noqday “Kacaankii Hindiya” ee Ingiriiska lagula dagaalamay.

Waxa uu si weyn ugu caanbaxay gabayada Afka Urduuga, waxaana lagu naaneesi jiray Zafar, gabayadaas oo illaa maanta la xafidsanyahay, iskuulaadkana lagu dhigo meelaha qaar. Dhimashadiisii kadib ayaa waxaa meesha ka baxay mid ka mid ah boqortooyooyinkii adduunka ugu weynaa. Balse xusuusta dadka waxa uu dib ugu soo laabtay sanadihii 1980-naadkii, xiligaas taxane taleefishin Hindiya ah uu soo baxay oo isaga laga matalay, waddooyin ayaa sidoo kale loogu magac daray magaalooyinka Dehli iyo Karachi, halka magaalada Dhaka meel darjiin ah loogu magac daray.

“Safar waxa uu ahaa nin mucjiso ah, gabyaa caan ah, iyo hoggaamiye muslim ah oo udub dhexaad u ahaa xiriirka wanaagsan ee dadka Hinduuga ah iyo Muslimiinta” ayuu yiri William Dalrymple oo ah taariikhyadan darsaday sooyaalka boqorka. Waxa uu intaas ku daray in uu astaan dhab ah u ahaa ilbaxnimadda Islaamka si la mid ah awoowgiis boqor Akbar.

Gadoodkii 1957-dii

Goob ka tirsan furimihii dagaalka ee Delhi ee kacaankii Hindiya oo sawir gacmeed lagu muujiyay, sanadkii 1857-dii.

Askarkii Hindiga ahaa ayaa sameeyay gadood iyo kacdoon ka dhan ah ciidammaddii Britishka ahaa 10kii bishii May, wuxuuna ka biloowday magaalada Meerut, kadibna waxa uu ku faafay magaalooyinka Dehli, Agra, Lucnow, iyo Kanpur.

Waxaa laga gadoodsanaa isku dayga Ingiriiska ah ee ah in ay soo rogaan dhaqanka reer galbeedka, iyo waliba faafinta diinta Masiixiga.

Kacdoonka waxa uu mideeyay dadkii Hinduuga ahaa iyo Muslimiintii, waxana ay madaxnimo u doorteen boqor Bahadur Shah Zafar II.

Ingiriiska ayaa soo abaabulay ciidamo kale oo Hindi ah, waxaana dib loo qabsaday magaalada Delhi.

Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay xad gudubyo bini’aadanimada ka baxsan, waxaana ka mid ahaa in Ingiriiska uu si wadar ah u laayay askar badan oo gadood sameeyay, halka ciidammadii gadoodsanaane ay laayeen caruur iyo haween Ingiriis ah.

Kacdoonkii ayaa waxaa lasoo afjaray bishii July, waxaana ka dambeeyay in la tirtiray xukunkii maxmiyadda ee Ingiriiska, iyada oo lasoo rogay xukun toos ah oo Ingiriiska maamulaya Hindiya oo dhan

Qabriga Zafar ayaa la helay sanadkii 1991-dii, kadib shaqaale dhismo oo dhulka qodayay oo soo faagay alaabihii tilmaamta boqorka ee lala duugay.

Qabriga ayaa kadib dib loo dayactiray, wuxuuna astaan u yahay mid ka mid ah taariikhihii layaabka lahaa ee soo mar soo maray Hindiya.

Darbiyada waxaa lagu xardhay sawirro farshaxan ah oo boqorka ah iyo qoraalo isaga ka turjumaya.

Waxaa meel u dhow laga sameeyay madxaf lagu kaydiyo xusuusta boqor Bahadur Shah Zafar, waxaana halkaas sanad kasta booqda dad badan oo muslimiin ah oo aad u ixtiraama boqorka oo sidoo kale ahaa wadaad diinta islaamka ah.

Sanadkan 2017-ka ayaa waxaa waxa uu ku beeganyahay sanad guuradii 160-aad ee kasoo wareegtay kacdoonkii Hindiya, balse ma jirto meel laga xusayo.

Waxaa laga yaabaa in uu lumiyay xilkiisii iyo boqortooyadii, balse waxa uu ku guuleystay in uu kasbado malaayiin dad ah quluubtooda iyo habka noloshooda oo wali saamayntiisa ay aad u muuqato.

 

Leave a Reply