Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona ka diiday dalabkii 2-aad ee ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Robert Lewandowski.
Sida laga soo xigtay Sport1 wadahadalada u dhexeeya Barcelona iyo Bayern Municha ayaa socda laakiin ilaa haatan labada kooxood ayaan wax heshiis ah ku dhawayn.
Bayern Munich ayaan si fudud ku fasixi doonin xiddiga waxana ay Barcelona ka diiday dalab 37 milyan oo euro a oo ay ku jiraan lacago gunooyin ah.
Kooxda Bayern Munich ayaa dareensan in xiddiga Robert Lewandowski u qalmo wax ka badan 40 milyan oo euro waliba dhamaan halka hore laga bixinayo.
Bayern Munich ayaa doonaysa in ay si deg-deg ah u iibiso xiddiga Robert Lewandowski maadama ay ku dhawdahay saxiixa Sadio Mane waxana ay rajaynayaan in ay Barcelona kor u qaadi doonto dalabkeeda.
Barcelona ayaa dhankeeda wadahadalo kula jirta wakiilka xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ay heshiis la gaadhay ilaa xagaaga 2023.