Guurtida oo Dood ka Yeeshay horumarinta Garsoorka Dalka

0
221

Hargeysa (Dawan) Golaha Guurtida oo dood ka yeeshay arrimaha garsoorka dalka iyo sidii xukuumaddu u fulin lahayd kiisaska maxkamaddaha kala duwan yaala.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa mudanayaasha golahaasi waxa ay doodaasi siwada jir ah ugaga warameen sidii arrimaha garsoorka iyo fulinta kiisaska horyaala maxkamaddaha una baahan in la fuliyo xukuumaddu u fulin lahayd.

Waxa ay bahda garsoorka iyo cadaalada ku boggaadiyeen qaabka hufnaanta leh ee ay bulshada ugu adeegaan.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac, ayaa soo jeediyay in wax ka baddel iyo kaabis lagu sameeyo lacagaha lagu kala qaato Qoomaha, oo uu sheegay in aanay bulshada wakhtigan lagu jiro iska bixin Karin.

Waxaanu yidhi. “Waxa jira qodobo laga cawdo oo xagooda ka yimid, Qoomaha oo kale waala kordhiyay, milyan iyo shan boqol oo shilinka Somaliland ah ayay ahaan jireen oo saddex milyan iyo shan boqol, ayaa laga dhigay, waxa ay marka u baahan tahay taa qudheeda in dib loo eego, dadkii wax isugeystay waxyeelooyin ayaa ka yimid, saddex malyan iyo shan boqola 420 dollar ayay noqonayaan, dadkiina 20% ayaa iska bixin kara qoomaha noocaasi oo kale ah.

Waxaan soo jeedinayaa in arrimaha noocaas oo kale ah dib loo eego, dadkii wuu baahan yahay dayac badan ayaa iska jira, baahiyo badan ayaa jira, arrintaasi maxkamadduhu in ay dib u eegaan,”

Xildhibaan Axmed Aadan Qalinle, ayaa laamaha Garsoorka ugu baaqay g’aan ka Gaadhista dhalinyarada toban tobanka isugu xidhan ee maalinkasta hor tuban Maxkamaddaha, isaga oo intaas ku daray in qofka muwaadinka ah sharcigu u ogol yahay in 48 saacadood uun lagu hayn karo saldhigyada.

Waxaanu yidhi. “Waxa kale oo iyaduna jirta oo dhib badani ka taagan tahay, dadka faldanbiyeedyada gala ee iyaga oo isku xidh xidhan oo silsilado ku xidhan sidii dadka waalwaalan, bal iyagana xal kale haloo gaadho, hawshooda hala dedejiyo.

Dadka iyaguna ku xidhan saldhigyada ee iyaga oo toban toban isugu xidhan inta maxkamada la keeno rumaanka loo qaadayo, dee dadku xuquuq ayay leeyihiin, xaq ayay waddanka ku leeyihiin, in la xukuma waa daw, in danbooga la baadho weeyi, balse yaanay ku habsaamin saldhigyada, si deg deg ah haloo baadho wixii sharcigu farayo hala horkeeno, oo yaanay halkaasi ku sii habsaamin, qofka sharcigu 48 saac ayuu u ogol yahay in lagu hayo saldhiga, wixii intaa ka badani wax kale ayay noqonaysaa, marka si ay xukun u helaan oo xukunkoodii u gaadhaan ilayn wakhtiba ku socde waa in loo dedejiyo iyagana”

Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Diirqadhaadh, ayaa sheegay in xukunada horyaala maxkamaddaha iyo xeer ilaalinta oo go’aan laga gaadhi waaya ay bulshada dhaxalsiiso dhibaato iyo niyad jab, waxaanu soo jeediyay wixii fulin u baahan deg deg loo fuliyo.

Waxaanu yidhi.“Fulin la’aanta oo aad u hoosaysa waxa ay keenaysa in dadku maxkamaddaha ka baqaan, qaata sulux in lagu dhammeeyo arrintooda, oo labada qof inta la dhex dhexaadiyo halkaasi ay arinta ku dhammeeyaan, dhex dhexaadkuna waxa uu shaqeeya uun marka xal kale la waayo.

Marka in maxkamadduhu sida ay tahay u shaqeeyaan, oo hawshooda gutaan waa waajib, oo dadkana si dhakhso ah wakhtiyada iyo balamaha iyo go’aanada loo dedejiyo, wixii go’aan soo baxana fulinteeda la sameeyo, haddii aan taasi la sameynin, wax alaale iyo wax kala soconayaa ma jiro.

Waxaad arkaysa dad muddo dheer maxkamaddaha uun ku sii socday oo wakhti badan badan ka qaadatay, taasi wax ay dadka ku keenaysa dhibaato iyo nijad jab xagga maxkamaddaha dhexdooda ah.

Marka waxaan soo jeedinayaa in halkaasi wax laga qabto, xaga baadhistana iyo xeer ilaalintana in aad wax looga qabto, sababto ah waxaad mooda marka kiisaska la baadhayo iyo sida kiisasku yihiin labaduba, in badan cabasho ka soo noqoto, taasi oo culays ku ah bulshada, sababto ah haddii ay halkaasi wax ka qaloocdaan dhammaan waxa ay ka wada qaloocanayaan inta kale oo dhan, oo halka wax laga soo sikhiraya waa baadhista iyo xeer ilaalinta”

Xildhibaan Cabdicasiis Haybe ayaa soo jeedinayay in bulshada Kitaabka ALLE lagu xukumo, isla markaana maxkamada la geeyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Waxaanu yidhi.“Anigu Somaliland ahaan Kitaabkii ILLAAHEY xagga danbe ayaynu marinay oo lanbar 4 ayaynu ka dhigay, bulshadu marka ay isqabsato waxa ay u baydhayaan xagga xeer jajabka ee geedka hoostiisa, haddii ay kaa wax ku qaban waayana waxay tagayaan maxkamada, haddii ay maxkamadu kala saari waydo waxay odhanayaan ‘Kitaabkaasi waxa uu inoo kala xukumo ayaynu ku kala baxayna, waa xaga danbe, Kitaabkii xagga u danbaysa ayaa la mariyay.

Marka anigu waxaan soo jeedinaya in Kitaabka ALLE wax lagu kala xukumo, Kitaabku waa qofka badbaadadiisa, qofka maalkiisa iyo cirdigiisa iyo sharaftiisa Kitaabku u badbaadiyay, xuquuqda bini’aadamkana u siiyay xoriyada, xagga maxkamadaha in Kitaabkii aynu gayno oo la inagu kala xukumo ayaa wanaagsan”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply