Beenta Iyo Khiyaamadu Waa Shaqo Xun!

0
353

Yuri Alexandrovich Bezmenov waxa uu ku dhashay 1939 magaalada Mytichchi ee dalka Ruushka. Markii uu ahaa 17 sano ayuu waxbarasho u galay mac-hadka luqadaha ee Institute of Oriental oo ka tirsanaa Jaamacadda dawladda ee Mosco, kaasi oo toos u maamuli jireen hay’adda sirdoonka ee KGB.

Luqadaha ka sakow waxa kale oo uu ka bartay taariikhada iyo dhaqamada, Madaama ay khasab ku ahayd ardayda Ruushka inuu qaato tababar ciidan,  Si fiican ayuu wakhtigaasi uga faa’iidaystay waxaana uu bartay maadada  “ Xeeladaha dagaalka” iyo maado kale oo ah “habka maxaabiista dagaalka su’aalo loo weydiiyo”.

Sanadkii 1965 ayaa KGB ay shaqaale ka dhigatay, waxaana uu madax u ahaa waaxda cilmi baadhista iyo la dagaalanka dacaayadaha.Inkasta oo dalacaado badan ka helay KGB haddana waxa uu ka baxsaday 1970,  isagoo iska dhiibay safaaradda Maraykanku ku lahaa Giriigga.

Bezmenove waxa uu qoray buug lagu magacaabo khiyaamadu waxay  ahayd shaqadaydii, waxaana uu kaga waramaya sida dawladaha loo baabiiyo iyadoon dagaal lagu qaadin,taasi oo ah in akhlaaqda iyo dhaqanka bulshadaasi lagu burburiyo ugu badnaan 20 sano, iyadoo jiil dhan la abrayo nidaamka shuuciyadda kuwaasi oo xambaaraya dhaqanka la gashaday

Waxaana uu u cadeeyay inay nacasnimo tahay wakhtigan inaad dagaal ku qaado dal, adigoo si ka fudud u burburin kara iyagoon kuu arkayn inaad cadow u tahay oo saaxiibkood ka dhiganaya

Leave a Reply