Munich oo War Rasmi ah kasoo Saartay Xiddiga ay ku Dagaalamayaan Liverpool & Arsenal ee Serge Gnabry

0
311

Agaasimaha isboortiga Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga diirada u saaran kooxaha Liverpool iyo Arsenal ee Serge Gnabry.

Gnabry hal sanno ayaa uga harsan qandaraaskiisa ka dib afar xilli ciyaareed oo guulo ah uu ku qaatay Bavaria isagoo kula guuleystay UEFA Champions League sannadkii 2020 halka uu sidoo kale la qaaday afar horyaal oo Bundesliga ah.

Isagoo u hadlayay SkyDe, Salihamidžić ayaa yiri: “Xaqiiqdii waxaan dooneynaa inaan ceshano isaga. Waxaan rajeynayaa inuu doorto Bayern.

“Haddii ciyaaryahanka uusan dooneynin inuu sii joogo kooxda, markaas waxaan raadin karnaa xal farxad gelin kara qof walba.”

Gnabry ayaa waayihiisa ciyaareed ka bilaabay Arsenal isagoo ka hoos ciyaaray tababare Arsene Wenger.

Wuxuu kulankiisii ugu horeysay u saftay 2012 kulan Carabao Cup ahaa oo ay la ciyaarayeen Coventry, wuxuu waqtigaas bedelay xiddiga haatan Liverpool jooga ee Alex Oxlade-Chamberlain.

Wuxuu amaah aan lagu guuleysanin ku tagay West Brom, ka hor inta uusan u wareegin Werder Bremen oo uu ka sii aaday Bayern Munich sannadkii 2017.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Bayern Munich waxaa amaah lagu siiyay Hoffenheim isagoo isreebreebka Champions League ka horyimid Liverpool.

Wixii markaas ka danbeeyay wuxuu noqday xiddig muhiim u ah Bayern Munich isagoo dhalinayay xilli ciyaareed walba in ka badan 10 gool.

Haddii uu doonayo tartan cusub, waxa uu boos banaan ka heli karaa Liverpool ama Arsenal.

Bayern Munich iyo Liverpool ayaa durbaba ganacsi uu dhexmaray xagaagan iyadoo Sadio Mane uu labo maalmood ka hor si rasmi ah ugu biiray Bayern Munich.

Leave a Reply