Xilliga uu Darwin Nunez Kulankiisa Koowaad u Safan Doono Liverpool

0
233

Xiddiga reer Uruguay ee Dawin Nunez waxa uu tababarka la bilaabi doonaa kooxdiisa cusub ee  Liverpool bisha July ee foodda inagu soo haysa, markaas oo ay kooxdu bilaabi doonto safarro ciyaareed iyo isku-diyarinta xilli ciyaareedka cusub.

22 jirkan oo noqonaya weeraryahankii ugu horreeyey ee reer Uruguay ah ee yimaadda Liverpool tan iyo bixitaankii Luis Suarez oo sannadkii 2014 ka tegay Liverpool una wareegay Barcelona, waxa uu buuxin doonaa booska uu banneeyey Sadio Mane oo ka degay Bayern Munich.

Liverpool ayaa kasoo bixisay Nunez £64 milyan oo Gini oo kaash ah iyo £21 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo waqtiga uu u ciyaaro Liverpool.

Laacibkan oo kasoo baxay kulliyadda kooxda penarol ee ka dhisan Uruguay ayaa Yurub kasoo galay kooxda reer Spain ee Almeria, waxaana uu usii dhaafay Benfica oo xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ee 2021/22 uu u saftay 28 ciyaarood oo horyaalka ah oo uu u dhaliyey 26 gool, halka uu lix gool oo kale oo Champions League ahna ku daray.

Goorma ayuu Darwin Nunez kulankiisa ugu horreeya u safan doonaa Liverpool?

Jamaahiirta Liverpool ayaa is-weydiinaya su’aashan, waxaanay sugi kari la’yihiin inta ay karayaan laacibkan oo garoonka ku jira oo kooxdooda metalaya.

Tababarka ciyaartoyda Liverpool oo bilaabmi doona July 4, waxa uu socon doonaa muddo siddeed maalmood ah ka hor inta aanay u duulin bariga fog ee dunida oo ay kulamo saaxiibtinimo kusoo dheeli doonaan.

Ciyaarta ugu horreysa ee saaxiibtinimo oo la filayo inuu Darwin Nunez qayb ka noqon doono, waxay Liverpool kula ballansan tahay Manchester United oo ay garoonka Rajamangala Stadium ee Bangkok ay ku kulmi doonaan.

Kulankan oo dhici doona July 12 ayaa looga diiwaangelin doonaa Nunez ciyaartiisa koowaad ee uu ku furanayo waayihiisa Liverpool oo waliba xusuus gaar ah yeelana doonta sababtoo ah waxay ka hor tegayaan kooxda ay cadaawaddu ka dhaxayso ee Manchester United.

Goorma ayuu Nunez u ciyaari doonaa Liverpool kulankiisa koowaad ee Premier League?

Marka ay soo dhamaadaan kulamada saaxiibtinimo iyo safarrada la iskugu diyaarinayo xilli ciyaareedka, Liverpool waxay kulankeeda ugu horreeya ay waajihi doontaa Manchester City oo ay ciyaarta koobka ah ee Community Shield ku kala calaf-qaadi doonaan King Power Stadium.

Ciyaartan ayaa noqon doonta midda ugu horreysa ee Nunez uu koob kula guuleysan karo Liverpool, halka ciyaarta koowaad ee Premier League ee uu dheeli doonaan ay noqon karto Fulham oo August 6 ay Liverpool ku furan doonto xilli ciyaareedka.

Leave a Reply