Manchester United oo Doonaysa Afar Ciyaartoy oo Isku Koox ah

0
262

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayso afar ciyaartoy oo hal koox ka wada tirsan, kuwaas oo uu tababare Erik ten Hag doonayo inuu keeno Old Trafford, si uu u hirgeliyo qorshihiisa ciyaareed ee uu doonayo inuu dib ugu soo dhiso Red Devils.

Manchester United ayaa waxay dhamaadka bishan qorshaynaysaa in ay lasoo saxeexato xiddiga Barcelona ee Frenkie de Jong, halka Christian Eriksen uu isaguna u dhow yahay inuu tago Old Trafford.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Manchester United ayaa ka sokow labadaas ciyaartoy waxa kale oo ay doonaysaa afar ciyaartoy oo isku koox ah, iyadoo maalmihii ugu dambeeyeyna la sheegayay in saxeexooda koowaad uu noqonayo garabka weerarka Brazil ee Antony oo u ciyaara Ajax.

Mail ayaa sidoo kale sheegay in saddex ciyaartoy oo kale oo Ajax ah oo uu ku jiro Nicolas Tagliafico ay Manchester United doonayso, waxaana 29 jirkan reer Argentina u gacan-haadinaya Erik ten Hag oo doonaya inuu la midoobo.

Waxa kale oo ay Manchester United doonaysaa labada ciyaartoy ee Lisandro Martinez iyo Jurrien Timber, inkasta oo laacibka dambe la sheegay in uu mar hore diiday in uu yimaaddo Manchester United.

Tagliafico ayaa sidoo kale ay Manchester United u doonaysaa in uu difaaca bidix ka xoojiyo, iyadoo aanu tababare Ten Hag la dhacsanayn Luke Shaw iyo Alex Telles.

Leave a Reply