Oodweyne: Masuuliyiin Magacaabistooda Lagu Bogaadiyey Madaxweynaha

0
266

Oodweyne (Dawan)- Odayaal, waxgarad iyo aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Daad-madheedh oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Oodweyne, ayaa soo dhaweeyey, kuna bogaadiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda dhowrista tayada Mukhtaar Maxamed Cali iyo wasiir ku-xigeenka hawlaha guud Maxamuud Warsame Jaamac oo xilalkaasi loo magacaabay isku-shaandheyntii uu madaxweynuhu sameeyey Isniintii la soo dhaafay.

Odayaashan iyo waxgaradka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in labadan masuul ay yihiin dhalinyaro firinfircoon oo xilkas ah, isla markaana u qalma xilalka loo dhiibay iyo kuwo ka sareeya, waxaanay sidoo kale madaxweynaha ku bogaadiyeen wareegtadii uu masuuliyiinta laamaha xukuumadda isku-shaandheynta iyo magacaabista ugu sameeyey, taasoo ay ku tilmaameen mid ka turjumaysa sunnaha dawladnimada.

Xubnaha shirka jara’id ka hadlay waxay intaasi ku dareen in madaxweynuhu xoogga saaray sidii ay dhalinyaradda waxbartay ee kartida iyo aqoonta lehi ugu shaqayn lahaayeen qaranka, xilal muhiim ahna u magacaabay, taasoo ay iyadana ku hambalyeeyeen.

Odayaasha hormuudka bulshada reer Oodweyne waxay cadeeyeen inay masuuliyiinta xukuumadda ku metela ay ay kamid yihiin xubnaha xilalka cusub loo magacaabay ay la shaqayn doonaan.

Leave a Reply