Somaliland oo Go’aan ka Qaadatay Gudasha Xaj-ka ee Sannadkan

0
264

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay tegitaanka Xajka ee sanadkan, waxaanay ku dhawaaqday in gabi ahaanba la joojiyey Xujaajtii tegi lahayd baydka barakaysan, kaddib markii dawladda taagta daran ee Soomaaliya musuqmaasuqday qoondadii Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu shir jaraa’id ku sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani Salaasadii shalay.

Talaabada ay dawladda Soomaaliya ku siyaasaddaysay arrimaha xajka, ayaa sabab u noqday inay kumanaan muwaadin oo u dhashay Somaliland ka baaqdaan gudashada acmaasha Xajka, mana jiro ilaa hadda qof dalbaday Fiisaha oo ay wasaaradda Diinta iyo awqaaftu diwaangelisay, sida uu xaqiijiyey Wasiir Sh. Albaani.

Xukuumadda, ayaa hore u qaadacday saami aad u kooban oo la siiyey xujaajta Somaliland, iyadoo ilaalinaysa xuquuqda muwaadiniinteeda, waxaaanay sidoo kale go’aankaasi isla qaateen shirkaddaha duulimaadyada iyo xafiisyada ka shaqeeya arrimaha socdaalka ee diyaariya xujayda oo ay dhawaan soo saareen beyaan arrintaasi la xidhiidha.

Hase yeeshee markii maamulka Xamar ka dhego-adaygay dalabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu tixgelin waayey, waxa uu wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Cabdirisaaq Albaani shaaciyey inay dawladda iyo shacabkuba iyagoo isku duuban ay sanadkan joojiyeen tegitaankii xajka “waxaanu shacabka Somaliland iyo dhamaan dunida muslimka ah oo ay ugu horayso dawladda boqortooyada Sucuudiga la socodsiinaynaa in muddadii ay Somaliland jirtay kala kulmeen xajka iyo cumrada gudashadeeda dhibaatooyin kala duwan oo si toos ah iyo si dadbanba ay ula badheedheen xukuumaddihii kala dambeeyey ee Somaaliya, iyagoo carqaladeeyey oo is-hortaagay inay shacbiga JSL helaan tiradii xujayda ay xaqa u lahaayeen oo ay maamuli lahayd wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland” ayuu shirka jaraa’id ku sheegay wasiirku isagoo tilmaamay in caqabaha lagu hayo xujaajta Somalilamd ay soo taxnaa wakhti dheer.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi wasiir Albaani “waxay ku talaabsadeen talaabooyin sababay inay shacbiga Somaliland ee gaadhaya afarta Milyan iyo dheeraadku ay sanadkan ka baaqsadaan gudashada rukniga shanaad ee Islaamka ee XAJKA, waxa ay hore dawladda Soomaaliya ugu deddaalaysay inay dhinto tirada shacbiga Somaliland ka xajaysa, waxaana taasi markhaati u ah in aan ilaa saacadan qof qudha oo xaaji ah oo Fiise ka soo gaadhay dawladda Sucuudigu aanu jirin, tiradii Somaliland lahaydna Soomaaliya ku takri fashay oo ay qaybiyeen dad ganacsato ah oo suuqa Muqdisho ku dhex iibinaya”

Wasiirka diinta iyo awqaaftu waxa uu isagoo shaacinaya go’aanka Xukuumadda sheegay “haddaba dawladda Somalilan iyo shacbigeedu iyagoo isku duuban waxay go’aaansadeen in aanay dadkayagu sanadkan Xaji doonin duruufaha aan soo sheegay awgeed, waxaanu halkan ku cambaaraynaynaa takri falkaa iyo siyaasaddeyntaa dawladda Soomaaliya kula kacday arrimaha xajka” ayuu yidhi.

Wasiirku waxa kale oo uu baaq u diray dawladda boqortooyada Sucuudiga “waxaanu mar labaad dawladda boqortooyada Sucuudi Careebiya iyo dunida Muslimka ahba inay arrintan si deg deg ah u soo farogeliyaan maadaama afar milyan iyo dheeraad qof oo reer Somaliland laga hor-istaagay dadkii ka xaji lahaa maanta , laysaga hortaagay arrimo siyaasaddeed dartood, taasoo ay ku kacday dawladda Muqdisho ka dhisan”ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

 

 

Leave a Reply