Diyaarinta Miisaaniyadda 2023 oo Meel Fiican Maraysa

0
307

Hargeysa (Dawan)- Guddida Diyaarinta Siyaasadda Miisaaniyada Dawladda Somaliland ayaa kulan ka yeeshay mudnaanaha Miisaaniyad-Sanadeedka 2023-ka.

Sida uu dhigayo Kal-tirsiga (Calendar) loo raaco diyaarinta miisaaniyadda Dawladdu,Guddida Diyaarinta Miisaaniyadda oo kulankoodii 3-aad ka yeeshay Miisaaniyad-Sanadeedka 2023, kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Maaliyadda, ayaa si wayn diirada loogu saaray talaabada koowaad ee diyaarinta miisaaniyadda, iyadoo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Waaxdeeda dhaqaalaha iyo qorshayntu kulan-hawleedkan ugu soo bandhigtay guddida xaashida guudmarka miisaaniyadda (Budget outlook paper) taas oo aas-aas u ah qorshaha diyaarinta miisaaniyadda Dawladda, iyada oo laga dheehanayo heerka dhaqaalaha guud ee wadanka iyo siyaasadaha ku aadan cashuuraha.

Kulanka oo uu shir-gudoominayey Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, waxa kasoo qaybgaley Wasiiradda xubnaha ka ah guddida diyaarinta miisaaniyada, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud, iyadoo ay sidoo kale kulankan qayb ka ahaayeen Madaxda Waaxaha Miisaaniyadda iyo Dhaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu.

kulankan ayaa intii uu socday waxa ay Guddida siyaasada miisaaniyadu si wayn ugu falanqeeyeen meelaha mudnaanta la siin doono Miisaaniyad sanadeedka 2023-ka oo ay ka mid yihiin biyaha, caafimaadka, deegaanka, garsoorka, waxbarashadda, amniga iyo meelo kale, waxaanay guddidu u balameen kulamo kale si looga baaraan dego meelaha mihiimada u leh guud ahaan Qaranka.

kulankan ayey xigi doonaan, kulamo kale oo lala yeelan doono daneeyayaasha kale ee Miisaaniyadda oo ay ku jiraan ururada bulshada rayidka ahi.

 

Leave a Reply