Dhibaato Uma Arkaan Dhego La’aanta!

0
243

Deegaanka Biingaala ee dalka Indoniisiya ayaa ah mid ay dadka badankiisu dareemaha maqalku aanu shaqayn , halka qaarkoodan uu maqalkoodu hooseeyo oo ah kuwo dhego culus. Bulshadan ayaa adeegsata tilmaamaha gacmaha ee dhegoolayaasha. Barashada luqada gacmaha ayaaa tuuladana ka noqotay arrin daruuri ah oo aanay ka maarmi Karin si ay isu fahmaan dadka kale. Deegaankan waxa uu can ku yahay adeegsiga luqadaa dhegoolaha.

 

Dakhaatiirta ayaa sheegay in dadka deegaankan uu ka maqan yahay hidda sidaha loo yaqaan  “PDF NBA 3” recessive” oo ah ka soo qabta codka. Dadka deegaankana oo tiradoodu dhan tahay 3000  qof ayaa iyagu u arka arrin wanaagsan dhego la’aanta. Waxaana ay adeegsadaan luqadaasi tilmaamaha oo ay u yaqaaniin Katakaluk waana mid caan ka ah dhexdooda.  Caruurta waxa la baraa luqadan wakhti hore si ay ula qabsadaan. Bulshadan ayaa u aaminsan in dhego la’aantu ay tahay nimco weyn oo la siiyay.

 

Leave a Reply