Denbiyada Waaweyn Ma Qarsoomaan!

0
321

Weriyaha Viga Sharma oo ah Hindi  oo ku nool gobolka Atrbaraadish ee waqooyiga dalkaasi ayaa markii uu ku soo noqday gurigiisa la kulmay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Niolam Shram iyo eygiis oo labaduba mayd ah.

Weriyuhu aad ayuu u naxay isagoo filayay in aanu heli doonin sharci loogu fuliyo kuwii arxanka daraaa ee ka dilay  gabadha iyo eyga, maxaa yeelay mahayo markhaatiyaal goob joog ah oo qiraya cidda geysatay dilkaasi aan naxariista lahayn.

Waxase dhacday arrin yaab leh markii uu u yimi wiilka uu abtiga u yahay isagoo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh eek u dhacday abtigii ayay qaylisay shimbrika babaqaaga ee uu lahaa oo guriga u jootay.

Shimbrika ayaa marka kasta oo magaciisa la soo qaado wiilkan bilaabayay cidiisa oo joogto ah. Wiilkan oo lagu magacaabo Ashutosh ayuu booliiska u sheegay Abtigii Mr.Sharma.

Booliska ayaa markii ay su’aalo weydiiyeen uu u qirtay inuu dilka islaanta iyo eygaba geystay ka dib markii u doonayay inu guriga xado oo ay ugu soo gashay isagoo ka baqday inay boliiska u dhiibto. Eygana sababta uu u dilay ayuu ku sheegay inuu cabsi ka qabay in uu sheego in uu dilka geystay isagu

Leave a Reply