Hawlwadeenadda Kastamada Gobolada Galbeedka oo Tababar loo furay

0
226

Boorama (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa tababar laba maalmood  socday u soo xidhay shaqaalaha Waaxda Kastamada ee Gobolada Galbeedka dalka.

Tababarkan oo ujeedadiisu ahayn sidii hawlwadeenada Kastamada dalku aqoon ugu yeelan lahaayeen ku dhaqanka xeerka Kastamadda 73/2016.

Kulanka  xidhitaanka Tababarka oo ay ka hadleen masuuliyiin kala duwan ayaa ugu horeyn maamulaha kastamka Boorama Mustafe Maxamed Dirir, Ku-xigeenka Waaxda sharciyadda Maxamed Ismaaciil, Ku-xigeenka waaxda Kastamadda Tayasir Axmed Cumar.

Hawlwadeenada tababarka loo qabtay oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay inay muhiim tahay shaqo kastoo la qabanayo in loo raaco, xeerka iyo xeer-nidaamiyeyaasha kale. Waan ka mahadacelinaynaa dhamaan intii ka qeybqaadatay in aanu qaadano tababarka xeerka kastamada 73/2016.

Garyaqaankii tababarka bixinayey oo kulanka ka hadlay ayaa uuga mahadceliyey hawlwadeenada sidii ay u qaateen casharadii uu labadii maalmood ee tababarka ugu soo jeedinayey.

Agaasimaha Waaxda Kastamadda Maxamed Nuur Maxamed oo tababarka soo xidhay ayaa hawlwadeenada kula dardaarmay inay casharada ay faa’iideysteen ku dabakhaan shaqadooda, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa,

“Waxa tababarku ku saabsanaa sidii xeerka Kastamada loogu dabakhi lahaa aqoonteena, iyo shaqadeena, taasoo inoo suurtagelinaysa horumarinta shaqada aynu u hayno Qarankeena.

Gunaanadkii ayaa hawlwadeenadii ka qeybgalay tababarku lagu gudoonsiiyey shahaadooyin.

 

 

 

Leave a Reply