Safiirka UK iyo Wefdi Baarlamaanka Somaliland ah oo Kulan la Yeeshay Xildhibaano Ka Tirsan Ingiriiska

0
287

London (Dawan)-  Gudoomiye-xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Md. Siciid ayaa shaaca ka qaaday inay golaha Wakiiladda ku dabakhi doonaan macluumaad ay ka korodhsadeen dalka Ingiriiska, diyaarna u yihiin inay uuga faa’iideeyaan Golaha Wakiiladda iyo Qaranka Somaliland.

Gudoomiye-xigeen Md. Siciid iyo wefti xildhibaano uu hogaaminayey oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska ayaa ka qeybgalay munaasibad lagu qabtay xafiiska Safaarada JSL ee Ingiriiska oo lagu soo casuumay Ganacsato iyo xildhibaan ku takhasusay arrimaha Waxbarashada iyo Xuquuqal Insaanka.

Safiirka JSL ee dalka Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi Xirsi (Dayaxweerar) iyo hawlwadeenada Xafiiska Somaliland ee UK oo kulanka soo qabanqaabiyey ayaa wefdiga xildhibaanada iyo Xubnaha Ganacsatada iyo khabiirka kaga doodeen mowduucyada kala ah horumarka Dimoqraadiyadda, horumarka iyo Geedi-socodka nabadgelyadda somaliland.

Safiir-xigeenka Safaarada Somaliland ee Boqortooyadda Ingiriiska Md. Daahir Tukaale, oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka iyo waxii lagaga hadlay ayaa sheegay, in xildhibaanadii dalka ka yimi oo u hogaaminayey Gudoomiye-xigeenka kowaad Md. Siciid Mire Gire, xildhibaan Cabdillahi maxamed, xildhiban maxammed xuseen, xildhibaan saalax maxamed ay kulan la qaateen Lord Mcneil, oo ah khabiir, xuquuqal-insaanka iyo Waxbarashada, iyo xubno kale oo maalgashiga ah.

Md. Tukaale ayaa hadalkiisa raaciyey inay Sharaf u ahayd isaga Safiir Cabdi iyo hawlwadeenada kale in wefdiga Wakiiladda iyo xubnaha kale khubaradu ku soo booqdaan Safaarada, una soo badhigno waxqabadka xafiiska iyo qorshayaashiisa mustaqbalka.

Xildhibaan Maxamed xuseen Rambo oo faahfaahin ka bixiyey kulan ayaa sheegay Lord Michael oo ka mid ah saaxiibada Somaliland oo dhinaciisa ka hadlay kulan ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo Safiirka md. Dayaxweerar martiqaadka isaga iyo xubnaha kale, oo xubno Wakiilada Somaliland goobjoog ahaayeen.

Lord Michael ayaa hadalkiisa raaciyey inuu ku soo bandhigay xidhiidhka waxbarashada iyo nabadda, xuquuqal-insaanka, oo si weyn xildhibaanada iyo Safiirku u soo dhoweeyeen, kuwaa soo wax weyn ka tari doona isku-xidhka iyo wadajirka bulshada Somaliland. Waxaan rajeynayaa inaan sii horumarino lana kaashano Wasaaradda Waxbarashada.

Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Siciid Mire Gire oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay kulan la yeesheen khubaro dalka Ingiriiska ah, oo nala wadaagay mowduucyo xuquuqal-insaanka iyo nabada iyo shuruucda, doodo badan ayaan ka yeelanay, sidii aanu shaqada golaha ugu dabakhi lahayn, waxaanan rajeynayanaa inaan ka korodhsanno booqashada qabyada ka jirta dalka iyo waxyaalaha u baahan inay kaga deydaan sig ole ahaan iyo qaran ahaan uga faa’iideystaan.

Leave a Reply