Maxaa Chelsea ka Hortaagan inay la Wareegaan Raphinha Mar Haddii ay la Heshiiyeen Leeds United?

0
285

Raphinha ayaa u sheegay wakiiladiisa inuusan dooneynin inuu ku biiro Chelsea isagoo ku amray inay hakad geliyaan wadahadaladii ay kula jireen kooxda ka dhisan galbeedka London.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ka tagaya Leeds United laakiin weli ma uusan go’aansanin kooxda uu ku biirayo iyadoo dhowr kooxood ay ku tartamayaan saxeexiiisa.

Chelsea ayaa u muuqatay inay ku horeyso saxiixiisa markii ay gudbisay dalab ka qaalisan midkii Arsenal, Leeds ayaana aqbashay dalabka Chelsea. Si kastaba, xiddiga reer Brazil ayaan dooneynin inuu u wareego Chelsea isagoo u sheegay wakiilkiisa Deco inuu joojiyo wadahadalka.

Chelsea ma aysan fileynin in Raphinha uu ka baxayo heshiiska sida ay sheegtay jariirada Sport, laakiin ciyaaryahanka ayaa si weyn u doonaya inuu u wareego Barcelona oo riyadiisa ah.

Kooxda reer Catalans ayaa muddo dheer aheyd meel ay jecel yihiin xiddigaha ka soo jeeda Koonfur Ameerika.

Kooxda reer Spain ayaase ku jirta dhibaato dhaqaale welina lama aysan imaanin lacagtii loo baahnaa in hishiiska lagu dhameystiro.

Waxay weli sugayaan in Frenkie de Jong uu ku biiro Manchester United si ay u isticmaalaan lacagtiisa, inkastoo qeyb ka mid ah lacagtaas loo qorsheeyay saxeexa weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski.

Waxay tani xaalad adag gelineysaa Raphinha madaama uu iska xiray albaabkii Chelsea taasoo soo yareyneysa kooxaha tartanka ugu jira saxeexiisa. Si kastaba, Arsenal oo laga dalab fiicnaa ayaa weli rajo ka qabta xiddiga Leeds.

Leave a Reply