Sababta ay Kooxda Arsenal u Iibisay Ciyaartoyga Matteo Guendouzi

0
309

Arsenal ayaa xaqiijisay inay si joogta ah u iibiyeen Matteo Guendouzi oo ku biiray kooxda Marseille ee dalka Faransiiska.

Xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ugu ciyaarayay Marseille isagoo aan u dheelin Gunners tan iyo bishii Juun 2020.

Guendouzi ayaa soo gabagabeeyay waayihiisa ciyaareed ee Arsenal ka dib 82 kulan uu u ciyaaray kooxda.

Hishiiska uu Guendouzi ugu wareegay Marseille ayaa qeyb ka ahaa hishiiskii amaahda markaasoo kooxda Faransiiska qiyaar loo siiyay inay si joogta ah kula wareegi karaan.

Marseille ayaana ka faa’ideysatay fursadaas iyagoo doortay inay si joogta ah kula wareegaan madaama uu xiddigaan wacdarro u dhigay xilli ciyaareedkii hore islamarkaana uu fursado badan ka helay xulka Faransiiska.

Warbixin ay soo saartay Arsenal ayaa lagu yidhi:

“Sida qeybta ka aheyd heshiiskii aan kula jirnay Marseille, Guendouzi wuxuu haatan si joogta ah ugu wareegay Marsielle ka dib markii uu uu amaah ku joogay kooxda Ligue 1 ka dhisan xilli ciyaareedkii 2021-22.”

Guendouzi ayaa muhiim u noqday Marseille xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo u saftay 56 kulan tartamada oo dhan.

Leave a Reply