Siyaasi Gaboose oo u Wanqalay Urur Siyaasadeed Miisaan leh Oo Wakhtigu Gelbinayo

0
364

Waxaan u sheegaynaa inaan Xoog, Hanjabaad iyo Siidhi Somaliland waxba lagaga qaadi Karin…”

 “Waxaan hubaa oo aan hubaa in haddii aan ugu dhawaaqno mudaharaad cidda ogol in ururrada la furo in magaalada Hargeysa oo dhami dhaqaaqi doonto..”

Hargeysa (Dawan)- Urur-siyaasaddeedka Barwaaqo, ayaa madal kulmisay dadweyne aad u tiro badan oo ka kooban qaybaha bulshada loogu wanqalay aasaaskiisa 30-kii bishii June maalintii khamiista ee todobaadkii ina dhaafay oo ay guddida diwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta qaranku daah-fureen diwaangelinta ururrada cusub.

Munaasibada shaacinta Ururka Barwaaqo, waxa ka qaybgalay aasaaseyaasha ururkaasi oo uu hogaaminayo siyaasiga caanka ah ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, marti-sharaf ka socday darafyada siyaasadda, madaxdhaqameed, ganacsato, haldoorka iyo labeenta Somaliland iyo boqolaal taageerayaal ah.

Xaflada oo laga dheehanayey dhoola-tus siyaasaddeed oo ka turjumaya diyaar-garowga tartanka doorashada ururrada siyaasadda iyo doonis shacbi, ayaa waxa hadal dhinacyo bada  taabanaya ka jeediyey hogaamiyaha urur-siyaasaddeedka Barwaaqo Dr. Gaboose oo ka waramay xaalada dalku marayo ee dhanka siyaasadda, waxyaabaha gundhiga u ah khilaafka taagan  iyo mawqifka daneeyayaasha furida ururrada ee uu hormuudka u yahay.

Dr. Gaboose waxa kale oo farriimo siyaasaddeed u diray asxaabta mucaaridka iyo guddida is-xilqaantay ee guurtida iyo dhaqanka ka kooban ee ku dhex jira xukuumadda iyo xisbiyada, isagoo si cad farta ugu fiiqay in waxyaabaha ay dhinacyadaasi isku hayaan aanay ahayn arrimo dhexdhexaadin  laga gelin karo, balse ay yihiin shuruuc qaran oo la jooggo xilligii lagu heshiiyey in la fuliyo.

Hogaamiyaha Ururka Barwaaqo waxa uu mdashaasi dhaar kaga maray in aanay aqbalin Karin wax aan ahayn in sifo sharci lagu tartamo, isagoo intaasi raaciyey in aan hanjabaad iyo naxli la soo faqo lagu gaadhi Karin dan siyaasaddeed oo lagu najaxo, taasoo uu ula duur-xulay hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka.

“Dalku marxalado kala duwan ayuu soo maray, geedi-socodkaasi la soo maray wuxuu ku afmeermay in dalku u guuro nidaamka asxaabta badan oo ay gundhig u tahay furida ururrada siyaasaddu, ujeedaduna ahayd in lagaga gudbo siyaasadda ku salaysan nidaam beeleedka, nasiib-darrose xisbiyadii soo baxay waxay noqdeen kuwo ku adeegga qof, qabiil iyo koox dano gaar ah leh, waxaanay dhaawac u geysteen midnimadii bulshada, waxaana tusaale inoogu filan waxa maanta socda oo halis ku ha jiritaanka umadda, waxaad arkaysaa in la xoqayo kaadhadh naxli ka buuxo iyo nasiib-darro tagtay oo ay ka buuxaan naxli iyo dagaallo sokeeye”ayuu yidhi.

Dr. Gaboose waxa uu saluug ka muujiyey qorshaha ay isu xilqaameen guddida dhexdhexaadinta mucaaridka iyo xukuumadda oo uu kula taliyey in aanay umadda ka leexin dariiqa sharci ee saxda ah, isagoo xusay in qodobada sharci ee ay mucaaridku diiddan yihiin ay iyagu saxeexeen, maanta ay diidan yihiin, madaxweynuhuna aanu waxba ka bedeli Karin shuruucda dalka.

Waxaanu yidhi  “Iminka waxa socda guddi odayaal Karaamo leh oo dhexdhexaadin wada, waxa meesha yaallaa waa qodobo sharci, madaxweynuhu ma jebin karo, madaxweynuhu nus kama qaadan karo, ma laali karo, isagaa sharcigu qabanayaa, isagu muu qorin ee kuwa leh maanta halaga boodo ayaa saxeexay, kuwa maanta diiddan ayaa saxeexay, markaa Odayaasha karaamada leh waxaan rabaa in aan u sheego in aanay Shacbigooda isku dayin inay wadada ka lumiyaan, waayo? Shacbigu   maanta way soo jeedaan waxay doonayaan inay fursad labaad u helaan inay aayahooda ka tashadaan, inay doortaan hogaanka ay doonayaan. Khibrad weyn baanay ka dhaxleen toban sanno iyo toban sanno iyo halka loo socdo, gunteediina way soo taabteen.

Sidaas awgeed, Odayaasha waxaan leeyahay haddaad isku daydaan in aad fursadaa joojisaan in aad dhib weyn kala kulmi doontaan..”ayuu mar kale sheegay

Guddoomiyaha Ururka Barwaaqo waxa uu ku goodiyey in haddii uu mudaharaad ugu baaqo dadka ogol in ururrada la furo ay Magaalooyinka shacbiga joogga oo dhami isu soo bixi karaan, waxaanu dhinaca kale madaxweynaha booriyey in aanu debec ka muujin difaaca iyo ilaalinta sharciga “Waxaan hubaa oo aan hubaa in haddii aan ugu dhawaaqno mudaharaad cida ogol in ururrada la furo in magaalada Hargeysa oo dhami dhaqaaqi doonto.

Waxaan ku kalsoonahay oo karti iyo dedaal badan ku hubnaa madaxweyne Muuse Biixi oo dhaliilo badan oo aanu lahayn iyo xagtimo badani ku gaadheen inuu ku dhegan yahay in sharciga dalku uu sareeyo.

La jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan ayey guddida dhexdhexaadintu wadaaye miyey soconaysaa maya… maya… maya.., haddaba waxaan leenahay madaxweynaha Karaamo ayaad korodhsatay yaan lagugu dayin in lagaa qaado, annaguna waxaan kuugu balanqaadaynaa wax kasta oo wanaagsan in aan kugu garab istaagno. Maanta banaanka ayaanu u soo baxnay ninka Muuse necboow annagu Muuse waanu jecelnahay danta umadda awgeed”

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa wacad ku maray in aanay ka labalabaynayn inay difaacdaan xuquuqdooda dastuuriga ah daneeyayaasha furida ururrada siyaasaddu, waxaanu cadeeyey in aanay cidina dalka waxba ku yeelli Karin hanjabaad iyo isku-day fawdo toona.

Waxaanu yidhi ” Waxaan u sheegaynaa inaan Xoog, Hanjabaad iyo Siidhi Somaliland waxba lagaga qaadi Karin, ama gawaadhida jejebiya, ama geella gawrgowraca ama dhirta dhagax la dhaca walaahi bilaahi waa tartamaynaa..”ayuu yidhi Gaboose.

Madashaasi waxa kale oo hadallo ka jeediyey siyaasiyiin miisaan leh oo ka qaybgalay, madaxdhaqameed, waxgarad iyo aqoonyahan kala duwan, kuwaasoo Urur-siyaasaddeedka Barwaaqo u rajeeyey inuu ku soo baxo saaxada xisbiyada, kulana dardaarmay hogaankiisa inay shacbiga ku kasbadaan barmaamuj-siyaasaddeed hufan oo ka turjumaya cadaalad iyo sinaan iyo Somaliland la wada leeyahay.

Xubno kamida goleyaasha Baarlamanka, hogaamiyeyaasha asxaabta qaranka iyo ururrada cusub oo munaasibada ka hadlay ayaa guul u rajeeyey Ururka Barwaaqo.

Ugu dambeyn Ururkan oo uu aasaasayeyaashiisa hogaaminayo siyaasiga rug-caddaadiga ah ee Maxamed Cabdi Gaboose waxa sidoo kale ka dhex muuqda kaadiriin siyaasaddeed oo wakhti dheer saameyn balaadhan ku lahaa saaxada siyaasadda.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply