MIDNIMADII AAN LA MAHADIN: (QAYBTA 2-AAD)

0
389
????????????????????????????????????

Waa bilowgii Midnimadii Aan La Mahadin. Waa Maalin Madow oo ku suntan Taariikhda Ummadda Somaliland. Waa maalintii aynu qaldanay ee la inoo bixiyey QALDAAMIIN!!

Qaybtii 1-aad ee maqaalkan waxaynu ku soo sheegnay:

  1. In Ummadda Somaliland iyagoo karayey in ay noqdaan Dad iyo Dal madax bannaan oo gaar u taagan, haddana waxa ka xoog badnaa dareenkii iyo rabitaankii Shacabka Somaliland oo ku salaysnaa Shucuur Waddaninimo, mid Walaalnimo Soomaaliyeed iyo in la helo 5 gobol oo Soomaaliyeed oo xor ah oo is weheshada, kuna midooba hal Calan iyo hal Dawlad oo ay Soomaaliyi leedahay.
  2. In Xorriyadii iyo Qarannimadii aynu heleen 62 sano ka hor, ay u SADQEEYEEN oo ay u HIBEEYEEN helitaanka midnimo Soomaaliyeed awgeed, waxana dabada ka riixayey dareen shacab oo qoto dheer iyo shucuur Waddanninimo Soomaaliyeed oo ku abuurnaa Bulshada reer Somaliland.
  3. In Ummadda Somaliland loola dhaqmay sidii ay yihiin dad cawaan ah oo aan fahamsanayn qiimaha Xorriyada, dad iyagu tashan kari waayey dabadeedna isa soo dhiibay si loogu taliyo!
  4. In wax kasta oo awood qaybsi ah oo dhex mara labadii Gobol ee Somaaliyed ee midoobay, waxa diiday oo la soo marin waayey reer Koonfureed.  Wax kasta oo xil iyo mansab ah waxa qaatay Koonfur. Dadkii dhaliyey Xornimada ee suurto geliyey in ay timaado midnimo Somaaliyed waxaa la siiyey Wasiirka Waxbarashada iyo wax aan dhaamin.

Af-gembigii Milatariga iyo Maxsuulkii Midnimada:

Ummadda Somaliland, iyagoo muddo sagaal sano ah dulmi iyo caddaalad darro baahsan ka tirsanayey Xukuumadii Soomaaliyeed ee talada haysay, 21 October 1969 General Siyaad Barre oo ahaa reer Koonfureed ayaa wuxuu af-gembi milatari ku riday Xukuumadii Shicibka ahayd, taladii dalkana isagaa la wareegay. Wuxuu kala diray Golihii Barlamaanka, Dastuurkii Dalkana gebi ahaanba wuu laabay.

Afgembigaa Militari ee ay reer Koonfureedku horseedka ka ahaayeen, wuxuu gebi ahaanba meesha ka saaray sharcinnimadii iyo sii jiritaanka heshiiskii midowga ee u dhexeeyey Woqooyi iyo Koonfur.

Ummaddii reer Somaliland iyagoo markii horeba aan mahadinin midowgii ay Koonfurta la midoobeen oo tirsanayey caddaalad darro badan, waxa u bilaabmay waqti adag iyo waayo hor leh. Xukuumadii Kacaanku waxay culays iyo cadaadis qorshaysan oo ah xaga dhaqaalaha, siyaasada, dhaq-dhaqaaqa iyo xaga xorriyada saartay bulshadii reer Somaliland.

Waxa si gaar ah loo bar-tilmaansaday wax-garadka, saraakiisha, aqoonyahanka, ganacsatada iyo haldoorka bulshada. Caga juglayn, Dhac, Xadhig iyo xaga horumarka bulshada oo la iska curyaamiyo ayaa ka mid noqday dhacdooyinka maalin laha ah ee nolosha bulshada.

Sidoo kale, Xukumadi Kacaanku waxay isku dirtay oo ay dab kala dhex dhigtay Beelihii walaalaha ahaa ee Somaliland boqollaalka sano nabada ku wada noolaa. Qaybo badan oo ka mid ahaa gobolladii Woqooyi waxa lagu soo rugay Xukun Milatari, iyagoo loo awood siiyey in ay qaataan go’aan kasta oo u sahlayey fulinta hawlaha ciidamada.

Dabadeed waxa bilaabmay kacdoono bulsho iyo dhaq-dhaqaaqyo lagaga soo horjeedo cadaadiskii iyo dulmigii saarnaa bulshada Somaliland. Halkaana waxa ka bilaabmay halgankii xoogaggii xaq u dirirka ahaa ee SNM, taasoo noqotay bar-bilowgii jidkii burburka iyo halaaga Dawladii Somaliyeed.

Sannadihii 1988 iyo 1989, Ciidankii Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwii ugu xooga badnaa Afrika, awoodiisii oo dhan cirka iyo dhulkaba waxa loo adeegsaday in lagu gumaado bulsho Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, haybta ay ahaayeen mooyee!

Dareenkii Waddanninimo iyo jacaylkii  Soomaaliyeed ee aan xadka lahayn ee ay ummadda Somaliland ku taamayeen in la helo 5 Soomaaliyeed oo wadaaga hal Calan, ee ay u sadqeeyeen Xorriyadii ay heleen; maxsuulkii midnimadu wuxuu noqday in ummadda Somaliland loogu abaal gudo Xasuuq baahsan oo aan loo aaba yeelin, isir-beegsi iyo cidhib-tir qorshaysan, burbur dhaqaale iyo bara-kac aan qiyaas lahayn oo loo geystay bulshadii rayidka ahayd ee Somaliland.

In ka badan 60 kun oo qof oo ka mid ah Ummadda Somaliland way ku naf waayeen, in ka badan 600 oo kun oo qofna waxay bara-kacayaal ku nooqdeen Waddama Jaarka. Sidoo kale waxa dhammaanba la burburiyay dhaxalkii iyo dhitadii ay lahaayeen ummadda Somaliland, hanti guurto iyo ma-guurtoba leh, mood iyo noolba leh oo gaadhaya Balaayiin Dollar.

Dhibaatada maanta haysata ummadda Soomaaliyeed waxay salka ku haysaa cawaaqib xumadii laga dhaxlay midowgii aan la mahadinin ee ay ku midoobeen laba gobol oo Somaliyeed oo midkood daacad ka ahaa Soomaalinimada iyo in la helo midnimo 5 Soomaaliyeed, ka kalena aanu daacad ka ahayn dan iyo muraad toona ka lahayn Dawladnimo iyo sharaf Soomaaliyeed midnaba, taaso ilaa maanta, laba iyo lixdan sano ka dib taagan

 

 

 

Leave a Reply