Adeegga Wanaagsan Ee Shaqaalaha Huteelka!

0
419

Maalqabeenka Shirkadda Microsoft Mr.Bill Gate  ayaa habeen ka casheeyay iska bixiyay lacagtii cashada  isagoo wiilka huteelkana ugu dheeraysay lacag dhan $ 2, waxaana uu ku yidhi “ Intaasi waa bakhshiish aan ku siiyay”.

Wiilka Huteelka ayaa isagoo yaaban aad u eegay!. Bill Gate oo u qaatay inuu ku farxay bakhshiishka ayaa ku yidhi: “ maxaa dhacay ee aad iga eegaysaa “? . Wiilka shaqaalaha Huteelka ayaa ugu jawaabay  halkan imika waxa ka kacay wiilkaaga oo markii uu lacagta bixinayay wuxu noogu daray  bakhshiish dhan $ 200 , sidee ayay u dhacaysa adigoo dunida ugu taajirsan inaad na siiso $ 2 keliya, wiilkaagun $ 200? .

Maalqabeenka Bill Gate ayaa qoslay oo ku yidhi  “ Wiilkayga waxa dhalay ninka aduunka ugu taajirsan, laakiin aniga waxa idhalay  aabo sabool ah”. Laakiin Bill gate Aabihii wuxu  ahaa garyaqaan (loyer), waxase uu tusayaa in mar kasta Aabuhu uu saxan yahay wayo waxa uu og yahay sida dhibta badan ee lacagta ku soo gasho. Weliga ha ilaawin waayahaaga hore waayo macalinkaaga ugu fiican si aad horumar u samayso.

Leave a Reply