Xikmadaha

0
265

 

  • Haddii sharka aad shar ugu jawaabto, goormu sharku dhamaanayaa?
  • Maalka iyo maamulka ma bedelaan qofka, laakiin waxay muujiyaann shakhsiyadiisa dhabta ah”.
  • Dadka oo dhan wanaag ma wada gaadhsiin kartid, laakiin dadka oo dhaan waad ka dayn kartaa dhibtaada”.
  • Dulqaadka iyo cafiska ayaa dhameeya sharka”.
  • Waxa ugu qurux badan dunida waa inaad ogaato qiimaha naftaada”
  • Marka xaqu ka aamuso baadilka, kuwa baadilka wada aya u qaata inay xaq yihiin”
  • Caqliga iyo carabka waxa ka dhexeeya xidhiidh isku cakis ah, mar kasta oo caqligu yaraado, carabka qofkuna wuu dheeraada (Wax kasta iskaga hadlaa oo sheegaa).
  • Saacadu waxay leedahay gacan haddana waxba kuma qabato, miiskuna wuxu leeyahay lugo haddana kuma socdo sidaasi ayay u jiraan kuwo leh Maskax laakiin aan ku fikirin.

Leave a Reply