Daraasadda Hurdada iyo Geerida!

0
396

Khubarada cilmiga sayaniska ee  Jaamacadda Surrey ee dalka Ingiriiska ayaa daaha ka rogtay in dadka wakhti dambe seexda goor danbena soo toosaa ay yihiin kuwa ugu nugul geerida degdegga ah, marka la barbardhigo dadka seexda xilliga hore isla markaana toosa subaxda horena.

Website-ka “MedicalXpress” ayaa tilmaamay in khubarada daraasaddan ay ku sameeyeen 433-kun oo qof oo da’doodu u dhaxayso 38-73 sano, iyagoo u qaybiyay 4-qaybood oo kala duwan sida : Subaxle, Suxable dhexdhexaad ah, habeenle iyo haabeenle dhexdhexaad ah, dadka ayaa xaalkooda lala socday muddo Lix-sano iyo badh ah.

Daraasaddan waxaa ka soo baxday in dadka xilli dambe ee habeenkii ah seexda oo astaantoodu ahayd “Shimbirka Guumaysta”, ay ahaayeen kuwa ugu geerida badan, sababata ay u dhintaan haba kala duwanaatee, qaarkood waxay u dhinteen cuduro  wadnaha iyo xidida dhiigga la xidhiidha, in ka badna 10% dadka wakhti hore seexda, goor horena hurdada ka kaca oo astaantoodu ahayd “shimbirka Qoolleyda”, sidaas oo kale waxay u nugulyihiin cudurka macaanka iyo kuwo xidhiidh la leh dhinaca nafta (psychological) iyo cudurrada neerfaha.

Sida ay khubaradani tilmaamayaan, haddii qofku xilligiisa hidde ahaan loo sugo nooca uu ka tirsan yahay, waxaa habboon inuu howlmaalmeedkiisa bedelo, xilliga uu shaqada bilaabayana uu ka fakaro, maxaa yeelay; saacadda biology-ga ee aadanaha ugu habboon waa tan xilliga hore la seexanayo xilliga horena lasoo kacayo, sidaa darteed dadka xilliga dambe habeenkii ah seexda xilliga dambana soo kacay waxay u nugulyihiin daal iyo  dhibaatooyin ku dhaca nolol maalmeedkooda caadiga ah. (MedicalXpress)

 

 

Leave a Reply