Manchester United oo ku Dhawaaqday Saxeexeedii ugu Horreeyey Xagaagan

0
203

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiskii ugu horreeyey ee ay samayso xagaagan, waxaana uu noqday difaaca bidix ee reer Netherlands ee Tyrell Malacia oo ay kala soo wareegeen Feyenood.

Tyrell Malacia oo shalay tijaabada caafimaadka ku maray Carrington ayaa qalinka  ku duugay heshiis afar sannadood ah oo uu ugu ciyaarayo Manchester United, kaas oo lagu sii darayo hal sano oo kale oo dookh ah oo ay labada dhinac kusii dheerayn karaan waqtigiisa.

Manchester United ayaa kasoo bixisay Tyrell Malacia €15 milyan oo Euro oo u dhiganta £12.9 milyan oo Gini, waxaana sidoo kale ay United bixin doontaa €2 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaanaya kulamada uu u ciyaaro Red Devils iyo guulaha uu la gaadho.

Malacia oo ah saxeexii koowaad ee uu sameeyo Erik ten Hag intii loo magacaabay tababaraha Manchester United ayaa waxa uu labadii maalmood ee Axaddii iyo Isniintii maray baadhitaano kala duwan oo caafimaad oo uu ka gudbay, waxaana uu hadda la midoobayaa ciyaartoyda kooxdiisa ee Jimcaha u duulaya Thialand iyo Australia oo ay kulamo saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub ku tegayaan.

United ayaa xagaagan oo dhan ku raad-joogtay Malacia, waxaanay dardartiisa kordhisay markii ay soo baxeen in uu laacibkani tegayo Lyon oo ay heshiis la gaadheen Feyenoord.

Red Devils ayaa dedejisay heshiiska, tijaabada caafimaadka iyo soo bandhigista Tyrell Malacia si looga gaadhsiiyo inuu la midoobo ciyaartoyda ka hor inta aanay u bixin safarka Asia.

Malacia ayaa u saftay Feyenoord 136 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, halka xulka qarankiisa uu u dheelay shan kulan waxaanu kasoo muuqday ciyaarihii Nations League ee bishii June.

22 jirkan oo uu dhererkiisu yahay 5 fiit iyo 7 inji ayaa waxa uu difaaca  bidix kula tartami doonaa Luke Shaw, halka labada laacib ee kale ee Alex Telles iyo Brandon Williams ay Manchester United doonayso inay iibiso amaba amaah lagu diri doono.

Kaddib saxeexa Malacia, Manchester United ayaa awooddeeda isugu geyn doonta sidii ay ula soo wareegi lahayd Frenkie de Jong oo la sheegay inay qiimaha kala heshiiyeen Barcelona, laakiin aanu laacibkani aqbalin inuu tago Old Trafford iyo sidoo kale Christian Eriksen oo shalay ay la gaadheen heshiis hordhac ah oo u baahan dhamaystir.

Waxa kale oo ay Manchester United doonaysaa inay lasoo wareegto difaaca Ajax ee Lisandro Martinez oo lagu qiimeeyey £37 milyan oo Gini.

Leave a Reply