PSG oo Shaqada ka Caydhisay Mauricio Pochettino iyo Tababaraha lagu Beddelay

0
284

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa shaacisay inay shaqada ka caydhisay tababaraha reer Argentina ee Mauricio Pochettino oo muddo 18 bilood ahaa laylinayay.

Mauricio Pochettino ayaa noqday tababaraha PSG sannadkii 2021 isaga oo beddelay Thomas Tuchel, waxaana uu kula guuleystay saddex koob oo uu ku jiro horyaalka Ligue 1.

12kii bilood ee ugu dambeeyey ayuu Pochettino u qaaday PSG labada koob ee Trophee des Champions iyo Coupe de France, waxaana uu sidoo kale horyaalka Ligue 1 oo uu laba bilood ka hor ku hoggaamiyey, hase yeeshee xilli ciyaareedkii kasii horreeyey ee 2020/21 ayaa ay ku guul-darraysteen horyaalka oo ay kaga guuleysatay Lille inkasta oo uu Pochettino kooxda la wareegay xilli ciyaareedka oo kala-badh ku dhow isla markaana kooxdu meel hoose ku jirto.

Xilli-ciyaaareedkii hadda tegay ayay horyaalka u dabbaal-dageen iyadoo afar  ciyaarood u hadhsan yihiin, waxaanay urursadeen 86 dhibcood iyagoo 15 dhibcood  ka horreeyey kooxda kaalinta labaad ee Marseille, balse waxay wareegga 16ka  kaga hadheen tartanka Champions League, waana sababta keentay in Pochettino shaqada laga caydhiyo.

Manchester City ayaa xilli ciyaareedkii 2020-21 ku reebtay Semi-finalka, hase yeeshee sannadkan oo ay awooddoodu badnayd oo ay ku hubaysnaayeen xiddigo waaweyn oo ay ka mid yihiin Mbappe, Messi, Neymar iyo Sergio Ramos ayay Real Madrid ku karbaashtay wareeggii 16ka, iyadoo lugtii labaad ee Santiago Bernabeu lagu burburiyey 3-1 inkasta oo ay kulankii hore 1-0 kusoo badiyeen, sidoo kalena ay ciyaarta labaad gool la hormareen.

War-saxaafadeed ay soo sartay PSG ayaa lagu yidhi: “Paris Saint-Germain waxay xaqiijinaysaa, in Mauricio Pochettino ay dhamaatay doorkii uu ku lahaa kooxdan. Waxa uu naadigu uga mahad-celinayaa Mauricio Pochettino iyo shaqaalihiisa tababarka shaqadii ay qabteen, waxaananu u rajaynaynaa wanaag mustaqbalkooda.”

Pochettino ayay shaqo ka caydhintiisu timid iyadoo 12 bilood ay ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa PSG, waxaana uu ka tegayaa kooxdaas isaga oo ay diiwaanka ugu jiraan 84 kulan oo uu hoggaamiyey, kuwaas oo uu kasoo hooyey 56 guulood, 13 barbarro ah iyo 15 laga baadiyey.

Tababarahan hore ee Tottenham, Southampton iyo Espanyol ayaa la sheegay inuu magdhow gaadhaya 20 milayn oo Euro oo u dhiganta 17.1 milyan oo Gini uu ka qaadanayo PSG.

Christophe Galtier ayaa noqonaya tababaraha cusub ee PSG, waxaana la filayaa in gellinka dambe ee maanta si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska Galtier oo mar horeba loosii ballamiyeyey saxaafadda oo uu kula hadli doono Parc des Princes oo uu heshiiska ku saxeexayo.

Christophe Galtier oo ah tababaraha Nice ayaa la sheegay inuu ka tegayo kooxdiisa oo uu xilli ciyaareedkii 2020-21 u qaaday horyaalak Ligue 1, waxaanay PSG siinaysaa Nice lacag magdhow ah oo 10 milyan oo Euro ah maadaama uu Galtier kula jiray heshiis waqti dheer ah.

Nice ayaa iyaduna tababare cusub u magacowday Lucien Fabre oo hoggaamin doona xilli ciyaareedka dambe.

 

 

Leave a Reply