Xukuumada oo ka Hadashay Go’aan la Sheegay in Qaadka lagu Joojinayo

0
262

 

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanu xog rasmiya ka hayn go’aanka dawladda Itoobiya ku joojinayso qaadkii iman jiray Somaliland, ee ay ganacsatadu ka soo waari jirtay.

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhawaan uun ahayd markii ganacsatada qaadka ee Somaliland ay go’aan ku gaadheen  in ay si buuxda u joojiynayaan qaadkii ay Itoobiya ka soo iibsan jireen, kadib markii ay Oromadu qaaliyaysay.

Afhayeen u hadlay ganacsatada waa weyn ee qaadka Itoobiya ka keena, ayaa sheegay laga bilaabo 6-da bisha July, ay gabi ahaanba ka wareegayaan qaadka Itoobiya, una wareegi doonaan Yemen iyo Kenya.

Sidoo  kale  waxa ay sheegeen in Itoobiya ay ka dalbatay in ay qaadka ku iibsadaan lacagta dollarka, taasi oo ay tilmaameen in haddii ay dhacdo ay dhaqaale burbur ku keeenayso dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu dollarku qaaliyoobayo, iyo in Oromadu ay go’aansatay in ay iyagu qaadka keenaan Somaliland oo gacansatada waddaniga suuqa ka saaran.

 

Waxaanu wasiirku sidan sidan ka sheegay mar uu shalay hortagay  guddi hoosaadka dhaqaalaha, maaliyadda iyo ganacsiga ee golaha wakiillada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada, ku xigeenka xisaabiyaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda maaliyada.

Kulankani ayaa nuxurkiisu ahaa dabagalkii lifaaqii goluhu ku ansixiyay miisaaniyadii 2022-ka iyo wixii ka fulay.

 

 

Waxaanu yidhi.“Iclaan rasmiya oo ka soo baxay dawladda Itoobiya inay joojisay qaadka dhab ahaantii anigu maan maqal, manaan arkin”

Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilladu iyaga oo gudanaya ayay saaka halkan noogu yeedheen kulan is xog wareysi ah, waxa aanu iska wareysanay guud ahaan xaalada dhaqaale, gaar ahaan lifaaqii miisaaniyada 2022-ka, si wanaagsan ayaanu isu wareysanay, wada shaqeyn wanaagsana waanu leenahay had iyo jeer,”

 

 

Leave a Reply