Maayerka Ceerigaabo oo ka Hadlay Dab Maalintii Saddexaad ka Holcaya Sanaag

0
324

Ceerigaabo(Dawan):- Dab ka kacay deegaanka Gaacidh oo ah saddexaad gubashadiisu ay socotaa.

Deegaanka dabku ku faafay ayaa ah dhul buurolay iyo jarar ah isla markaana ah dhul daaqsimeed iyo deegaano beeralay ah dabkuna wuxuu ku faafay dhul masaafo ahaan illaa 300 oo Mittir ah dabka ayaa maalintii sadexaad holcaya isla markaana dhul daaqsimeed iyo beero badan baabiiyay sida uu wargeyska Dawan xalay u xaqiijiyay Maayerka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo aan wax ka waydiinay.

Maayer Ismaaciil,ayaa sheegay in dabku hadda ku soo dhaw yahay in uu Buurta Daalo soo gaadho isla markaana uu ka holcayo laagga Buurta daalo Hoostiisa.

Waxaanu intaa raaciyay in maamulka degmada ka gobolka Sanaag,ciidamada Booliska qaranka iyo Badda iyo dadweynaha deegaankuba gurmad xoogleh galeen balse dhibta ugu wayni ay tahay dhula dabku ka holcayo oo aan gaadiid geli karayn isla iyo dabaylo xooggan oo dhacaya  oo uu sheegay in ay dabka marba dib u hurinayaan.

Waxaa kale oo uu sheegay Maayer Ismaaciil in aanay illa imika jirin qasaare nafeed inta uu ogyahay oo dabkaasi uu gaystay laakiin uu baabiyay dhul daaqsimeed iyo dhul beereed ba iyo dhir deegaanka buurta daalo iyo Gaacidh ay hodan ku yihiin.

 

 

 

 

Leave a Reply