Burco: Maareeyaha oo ka Hadlay Xaaaladda Wakaaladda Biyaha

0
352

Burco (Dawan)- Maareeyaha Wakaalada Biyaha Magaalada Burco Sakariiye Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda Biyaha magaalada Burco, waxaanu sheegay in ay wakaaladdu markii hore ay ku jirtay xaalad abaareed oo shan bilood ah, isla markaana ay hadda dib u bilaabmeen abaarihii.

Wakaalada Biyaha Magaalada Burco Sakariiye Cabdiraxmaan Maxamuud waxa uu sheegay in uu si weyn kor ugu kacay qiimaha shidaalka ee ay isticmaalaan mishiinada wakaaladda Burco ee soo saara biyaha, balse ka wakaalad ahaanay aanay bulshad ku kordhin qiimaha biyaha, waxaanu ka codsaday in ay si dhakhso ah isaga soo bixiyaan biilasha lagu soo dalaco.

Sakariiye Cabdiraxmaan Maxamuud

“Xaaladda Wakaaladda Biyaha Burco ay ku Sugantahay waxa weeye, markii hore waxaanu ku jirnay shan bilood oo abaar ah, haddana abaartii dib ayay u bilaabantay. Bulshada waxaan uga mahad naqataa sida wanaagsan ee ay u bixiyaan biilka lagu soo dalaco, sidoo kale waxaan ku dardaarayaa maadaama xaaladu halkaa marayso in qof waliba si joogto ah u soo bixiyo bil kasta biilka lagu soo dalaco.”

“Anaga oo ixtiraamayna bulshada ama og xaaladda dalka ayaanu diidnay in aanu kordhino biilka biyaha. Tusaale ahaan marka uu kaco shiidaalka iyo waxa lagu shaqaynayo waxa la kordhiyaa waxa la iibinayo, laakiin anaga oo u tudhayna dadka iyada oo ay baartu liicisay waxsoo saarka biyaha ayaanu diidnay in aanu bulshada ku kordhino biilka biyaha.”

 

Leave a Reply