“Dabka Waxaad Mooda in Baraha Bulshada Lagu Buunbuuninayo”

0
337

Ceerigaabo (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sanaag mudane Axmed Cabdi Muuse, ayaa sheegay in dabkii ka kacay degaanada Xero Mooli iyo Gaacidh, oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si aan habboonayn loogu buunbuuniyay baraha bulshada, isla markaana beeno aan sal iyo raadtoona lahayn lagu sheegay.

Sidoo kale waxa uu bulshada qaybaheeda kala duwan ku baraarujiyay in wax aan jirin loo yeedhan, xaaladuna inta ay tahay in ay ku sugnaato loo daayo.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin wax dab ah oo hadda laga cabsi qabo in uu dib uga qarxo degaanadii uu hore uga kacay.

Waxaanu yidhi.“Dabka waxaad mooda in baraha bulshada lagu buunbuuninayo, oo beeno aan jirin laga sheegayo, waa masiibo aafa ayaa dhacday, waxaan jirin in loo yeedhana maaha, xaaladu inta ay tahay in ay ku sugnaataba muhiim ah, inta ay tahay in aan laga buunbuuninba mihiima, xaalka dabka fiditaankiisa sidii loo hakiyay way yarayd ama may dhicin dab danbo qarxay, marka laga reebo in xalay 2-dii habeeno in yar oo daba ka kacay dhanka Madar-moge, isla tiina ay ku guulaysteen daminteeda ciidankii joogay iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya.

Xaalada dabku imika wax fidaya ma jiro, dab hadda aanu ka warwar qabna in uu fidaana ma jiro, dhirta Dayibka oo qorigiisu qori cas yahay oo aanu hore u bakhtiyin, waxa laga cabsi qabana waa hulaaqa dabkii hore ee taagnaa, balse imika mid cusub oo fidaya ma ogin, xalayna muu cidhicin,”

 

 

 

 

 

Leave a Reply