Juventus oo Heshiis la Gaadhay Xiddiga Ángel Di María, Imisa Sano Ayuu Saxeexayaa?

0
422

Kooxda Juventus ayaa heshiis Rasmi ah la gaadhay xiddiga Ángel Di María kaas oo ay kula wareegayso qaab xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay PSG.

Juventus ayaa wadahadalo kula jirtay xiddiga Ángel Di María todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga oo doonayay in ay heshiis la gaadhaan.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegay in ay kooxda Juventus heshiis buuxa la gaadhay xiddiga Ángel Di María kaas oo noqday xiddig Juventus ah.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu xiddiga Ángel Di María todobaadkan u duuli doono Italy si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Juventus.

Kooxda Juventus ayaa heshiis hal sano ah ka saxiixanaysa xiddiga Ángel Di María iyo waliba hal sano oo dookh ah oo uu ay ku kordhin doonto marka uu dhoco heshiiskiisu.

Juventus ayaa saxiixa Ángel Di María ku garaacday kooxda Barcelona kuwaas oo doonayay in ay xiddiga la wareegaan inta lagu jiro suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here